Haweeney si xun u garaacday Ninkeeda oo ay ku eedeysay inuu ku fashilmay arrin ku saabsan howsha sariirta

Haweeney ayaa si naxariis la’aan ah u garaacday seygeeda kadib markii ay ku eedeeysay arrintaan layaabka leh.
Haweeneyda oo 32 sano jir ah, laguna magacaabo Chinwendu Chita, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay si naxariis darro ah u garaacday seygeeda oo lagu magacaabo Okechukwu Chita, iyadoo falkaan uu ka dhacay hoygooda oo ku yaala magaalada Lagos ee caasimadda dalka Nigeria.
Chinwendu, ayaa sheegtay in seygeeda uu qabo dhowr sano isla markaana uu ku guul dareystay inuu uur u yeelo iyadoo intaas ku dartay in seygeeda uusan muujin wax dadaal ah oo ku saabsan sidii ay canug u heli lahaayeen.
Falkaan yaabka leh ayaa ka dhacay wadada lgau magacaabo Alhaji Agbeke ee deegaanka Ago Okota ee magaalada Lagos.
Waxaa la sheegay in Chinwendu, ay si joogto ah ugu xadgudbi jirtay ninkeeda tan iyo sanadkii 2018-kii taasoo keentay in ninkeeda uu sheego inuu ka cabsanayo inuu ku laabto gurigii ay isku guursadeen.
Boliiska oo arrintaan soo farageliyay si aysan xaaladda ugasii darin waxayna haweeneyda sheegtay in ninka ay guriga ku xirtay 22-kii bishii Deseembar sanadkii 2019-kii kadibna ay weerartay iyadoo isticmaaleysa qaado kulul oo ay madaxa iyo wajiga kaga garaacday taasoo keentay in ninka ay soo gaaraan dhaawacyo culus iyadoo intaas kadib si xoog ah uga qaadatay lacag N650,000 ah oo u dhiganta $1,800 oo dollarka Mareykanka ah.
Lamaanaha oo dhowr sano isqaba ayaa la sheegay inaysan caruur isku dhalin iyadoo ninka la tilmaamay inuu yahay ganacsade.
Xaaska ayaa la sheegay inay ka naxsaneyd xaaladda taasoo ku kaliftay inay la dagaalanto ninkeeda Okechukwu. Waxaa la sheeegay inaysan marnaba garaacista ka joojin ninkeeda iyadoo ay jirtay in boliiska ay arrintaas uga digeen.
Chinwendu, ayaa la sheegay in Isniintii ay si arxan darro ah u garaacday seygeeda balse ay u suurtagashay inuu ka baxsado isla markaana boliiska ku wargeliyo dhacdada kadib Boliiska ayaa haweeney sarkaalad Boliis ah usoo diray haweeneyda ninkeeda garaacday balse haweeneyda ayaa sidoo kale weerartay sarkaaladda Boliiska ah ee loo soo diray.
Haweeneyda oo ay xireen ciidamada Boliiska ayaa lasoo taagay maxkamad balse waxaa lagu waayay dambi iyadoo lagu sii daayay damaanad iyo inay bixiso lacag dhan N700,000 oo u dhiganta $1,928.37 oo dollarka Mareykanka ah.