XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Aadan ‘Haa” Uga Jawaabi Karin Mid Kamid Ah Su’aalahan, Kadib Lamaanahaaga Kuguma Habboona

Ka fekeridda in lamaanahaaga uu yahay kii kugu haboonaa ayaa ah arrin fudud. Laakiin ogaanshaha inuusan ahayn runtii yihiin waa wax kale oo ka duwan.

Haddii aadan ‘Haa’ uga jawaabi karin mid ka mid ah su’aalahan ka dib lammaanahaagu ma noqon karo ‘mid kugu habboon’;

1.Miyuu ku jecelyahay shuruud la’aan?

Qaladaad waad sameysaa, qalad waad gashaa, waxaad dhahdaa waxyaabo aanan wanaagsaneyn laakiin miyuu lamaanahaaga fahamsanyahay inaad tahay bini aadam oo aad qalad gali karto?

Miyuu ku jecelyahay waqtiyada wanaagsan iyo kuwa adag? Haddii jacaylka uu lamaanahaaga kuu qabo ay shuurd la socto  kadib shaki kuma jiro in lamaanahaas uu yahay mid aanan laguugu talagelin.

2. Miyuu mar waliba ku garab taaganyahay?

Furaha helitaanka farxad dhab ah waa helitaanka qof ku garab taagan oo aanan kaa harin. Miyuu ku garab istaagaa waqti kasta oo aad u baahato? Miyuu waqtigiisa ku bixiyaa dhiirigelinta iyo inuu ku taageero waqtiyada adage e nolosha?

Xiriirada adag waxay ubaahanyihiin dadaal iyo iskaashi. Mararka qaar waxbaa adkaada markaas oo aad u baahantahay garab aad isku halleyn karto oo ku caawiya kuna garab istaaga.

3. Miyay noloshaada hagaagtay?

Miyaad faraxad heshay tan iyo markii aad nolosha wadaagteen? Miyaad aragtay dhibaatooyinkaaga oo noqday kuwo la xalin karo tan iyo markii uu qofkaas albaabka kuusoo garaacay? Haddii ay noloshaada hagaagtay oo ay noqotay mid wanaagsan tan iyo markaad lamaanahaaga nolosha wadaagteen kadib waxaa hubaal ah inuu yahay kan laguugu talagalay.

Si kastaba ha noqotee, haddii ay aad usii adkaatay noloshaada kadib waa digniin ee qofkaas iska jir.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid