Carrabka wayn ama dheer waa “sababta hurdo la’aanta”

Hurdo xumada ka dhalatay in qofka uu dhib kala kulmo inuu neefsado habeenkii, waxaa suuragal ah in ay la xiriirto carrabka wayn ee cayilan, sida cilmi-baaris lagu sheegay.
Marka Bukaanada ay la xanuunsadaan hurdo la’aan, waaxay taa sababtaa in qofka uu caatoobo. Waxanaa ka dhalanaya in carrabkooda ay xeyrta ka dhacdo, natiijo wanaagsan ayaana laga helaa oo ah in bukaanka uu si wanaagsan u hurdo, waa sida ay sheegeen cilmi baarayaasha.
Carrabka dheer iyo midka buuran wuxuu aad ugu badan yahay dadka cayilan.
Laakiin, kooxda ka socotay jaamacadda Pennsylvania, waxay sheegayaan in dadka kale ee caatada ah ama iska caadiga ah ee carrabkoodu dheeryahay ama buuran yahay, ay sidoo kale halis ugu jiraan in hurdo la’aan ay ku dhacdo.
Hadda, waxay cilmi-baarayaashan eegayaan cuntada keeni karta in carabka uu yaraado.
Waxa carabka ku xiran
“Waad ku hadashaa, wax baad ku cuntaa, waadka ku neefsataa carrabka – Haddaba, muxuu u weynaadaa ama u dheeraadaa?” ayuu yiri qoraaga cilmi-baarista, Dr Richard Schwab, oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda, Philadelphia.
“Ma cadda sababta – waxay noqon kartaa u dhalasho, ama arrimo deegaanka la xiriira – Haddii carabka uusan wayneyn, waxay u badan tahay in uusan habeenkii soo dhicin oo uusan sababin in qofka uu naqaska ku dhago.”
Hurdo la’aanta waa xanuun aad ugu badan dadka oo sababi kara quuro aad u dheer, sawaxan iyo neefsi badan iyo rafasho habeenkii oo dhan ah.
Waxay sidoo kale sababi kartaa in xitaa maalintii aad hurdi waydo, taas oo saameyn ku yeelan karta nolosha.
Nooca ugu badan ee xanuunkan waxaa loo garanayaa Hurdo Xumada Carabka, taas oo ah in meesha ay neefta ka soo baxdo uu ku dul dhaco carrabka uuna xanibo neefta, marka la hurdayo.
Dadka buuran ama kuwa ay luquntoodu aadka u weyntahay ee tunka buuran leh, iyo kuwa qumanka waaweyn leh, waxay aad ugu badan tahay in dhibaatadaas ay la kulmaan.
Xalka hurdo la’aanta
Is caatee haddii aad buuran tahay
Dhinac u seexo – barkin gaar ah isku dey si ay kuu caawiso
Sigaarka ama wixii la mid ah ha cabin
Kaniiniga hurdada ha liqin, hadduusan dhakhtar kuu qorin
Xigasho: NHS UK
Cilmi baarayaasha ka kala socday Kuliyadda Caafimaadka ee Perelman, ee Jaamacadda Pennsylvania, waxay baritaan ku sameeyeen 67 qof oo xurdo xumo ay haysato, sidoo kalena aad u cayilan. Waxaa laga jaray boqolkiiba 10% cayilka jirkooda saaran, hurdadoodana waxay wanaagsanaatay illaa 30% boqolkiiba.
Iyadoo la eegayo meesha uu qofka xanuunsan ka neefsado inta ay la egtahay, Cilmi-baarayaasha waxay awood u yeesheen in ay baaraan isbedellada sababay caafimaadka.
Culeyska bukaanka ka dhacay wuxuu dhaliyay in uu yaraado cufka daanka, gaa ahaan qeybta maamusha wax ruugidda iyo murqaha illaa qeybta ku xirto neefsashada, taas oo sidoo kale caafimaadka qeyb ka noqotay.
“Hadda, waxaan ognahay in carrabka wayn oo halis yahay iyo in hurdada ay wanaagsanaaneyso marka carabkaas la cateeyo. Waxaa sameynay qaab gaar ah oo lagu daweeyo kaas oo aan horey loo isticmaalin,” ayuu yiri Dr Dr Schwab.
Cilmi Baarista waxaa lagu daabacay Wargeyska caafimaadka Dhuunta iyo daweynta xaaladaha halista ah ee ka soo baxa Mareykanka.