5 Calaamadood Oo Hadii Aad Gabadha Ku Aragto Ay Hubaal Tahay Inay Rabto Xiriir Inay Kula Yeelato

Miyaad waligaa waqti dheer xiriir aad lalahayd gabar adigoo wali aanan garaneyn haddii ay rabto xiriir ay kula yeelato?
Halkaan ka akhriso, 5 astaamood aanan qarsoomi Karin oo muujinaya in run ahaantii gabadha ay daneyneyso inay kula haasaawdo.
- Waxay ku weydiisaa su’aalo badan
Marka ay had iyo jeer ku weydiiso su’aalo badan, taas micnaheeda ay noqon karta inay rabto inay si wanaagsan kuu barato si ay xiriir kuula yeelato.
Su’aalaha noocaas ah ayaa intabadan taabanaya waxyaabihii aad soo martay si ay u ogaato shaqsiga dhabta ah ee aad tahay.
Ma jirto gabar waqtigeeda ku lumineysa ogaanshaha nin aysan rabin inay shukaansato ama ay la haasaawdo.
- Waxay rabtaa inay u dhawaato asxaabtaada iyo qoyskaaga
Haddii ay intabadan rabto inay u dhowaato qoyskaaga iyo saaxiibadaa kadib fursadaha ayaa ah inay dooneyso inay kula hasaawdo. Waxaa hubaal ah inay rabto inay kula yeelato xiriir gaar ah.
Sidoo kale waxay ku bareysaa saaxiibadeed, taaso ah tilmaan cad oo muujineysa inay rabto inay xiriir kula yeelato.
- Hadal jireedkeeda
Arrintaan intabadan muhiim ma ahan laakiin markii qaab kale loo eego waa muhiim. Si wanaagsan ula soco qaabka ay u dhaqanto. Miyay jeceshahay inay kugu tiirsato ama ay ku ciyaarto timaheeda ama bushimaheed markay ku ag joogto?
Lama hubo inay ku rabto laakiin waxaa suurtagal ah inay kuu dhimaneyso.
- Waxay isku daydaa inay dhex gasho shucuurtaada
Intabadan waxay kaaga sheekeyneysaa sheekooyin ay macquul tahay inay ku masayr galiyaan ama ku geliyaan dareen xun oo ah inaadan labadiina wada joogin ama aadan lamaane noqon.
Marka ay rabto inay ku masayr galiso waxay isku dayeysaa inay muujiso sida weyn ee ay kuu jeceshahay.
- Way aqbashaa inaad shukaansato iyadoo sidoo kale ku shukaansata
Markaad shukaansato gabadha iyadana sidaas oo kale ayay sameysaa mana kuu diido inaad horey u socoto ama shukaansiga uu heer kale gaaro.
Haddii ay sidaas dhacdo, sii wad shukaansiga kadib haddii ay dhacdo in iyadana ay shukaansi kuugu jawaabto ama ay horey usii wado shukaansiga, arrinta heer kale gaarsii oo micnaha ah in haasaawahaas uu marka dambe guur iyo mustaqbal isku bedelo.