Home ARIMAHA BULSHADA Faa’idooyinka Cajiibka Ah Ee Laga Helo Cunista Beerka

Faa’idooyinka Cajiibka Ah Ee Laga Helo Cunista Beerka

0

Sida aan ognahay Burutiinada waxaa u baahan jirka bini aadamka. Sidaa darteed waxaa jiraan waxyaabo badan oo laga helo Burutiinada waxaana kamid ah Beerka.

Waxaa jiraan noocyo kala duwan oo beer ah kuwaas oo ay kamid yihiin, Beerka Digaaga, Beerka Lo’da, Beerka Ariga iyo Beerka Idaha.

Halkaan ka akhriso liiska faa’idooyinka uu qofku ka helayo cunista Beerka.

  1. Beerka waxaa ka buuxo Bir

Beerka waxaa ku jiro bir ama feero gaar ahaan Beerka digaaga. Sababtaas darteed, cunista Beerka waxay kaa caawineysaa in jirkaaga uu helo Bir ama feero kugu filan.

Kaalinta birta ama feerada ee jirka waa abuurista unugyada dhiigga cas iyo ilaalinta caafimaadka dhiigga ee jirka qofka. Sidoo kale feerada waxay gacan ka geysataa la dagaalanka daalka.

  1. Waxaa ku jiro Fitamiin A

Beerka waxaa ka buuxo Fitamiin A. tani waa sababta haweenka uurka leh had iyo jeer loogula taliyo inay cunaan Beerka sidaa darteed wuxuu kobcinayaa Fitamiin A.

Si kastaba, haweenka aanan uurka lahayn iyo dadka kale wali waa u muhiim cunista Beerka maadaama uu jirka ka dhigo saafi isla markaana uu sare u qaado aragga indhaha.

  1. Ilo Burutiin oo tayo sare leh

Dadka uu ka maqanyahay Burutiinka waxay isku halleyn karaan Beerka maadaama ay ka buuxaan ilo burutiin oo tayo sare leh.

Hadaba, cunista Beerka waxay kuu damaanad qaadeysaa in jirkaaga uu helo Burutiin ku filan.

Previous article5 Siyaabood Oo Lagu Dhimo Qiimaha Korontada Gurigaaga
Next articleFariimo Jacayl Oo Lagu Hanto Qalbiga Xaaskaaga