Dadka Isticmaala WhatsApp Oo La Siiyay Digniintii Ugu Cusleyd Si Ay Arintaan Uga Bad-Baadaan

Warar soo baxay ayaa shaaca ka qaaday in burcadda Internet-ka ay isku dayeen inay awood ku isticmaalaan baraha dadka ku leeyihiin WhatsApp.
Sida laga soo xigtay wargeyska Ingiriiska ee the Independent, hay’adaha waxbasaasa ayaa isku dayay inay jabsadaan Akoonada dadka ee WhatsApp mar kasta oo oo faayl MP4 ah u diraan saaxiibadood.
“Isticmaalayaasha WhatsApp waxaa lagu boorinayaa inay barnaamijka Apdate ku sameeyaan ama cusbooneysiiyaan madaama laga baqayo in hay’adaha waxbasaasa ay basaasaan dadka iyagoo ka faa’ideysanaya dayacnaan amni oo weyn,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Madaama arrintaan la xakameeyay hadana dadka isticmaalaya WhatsApp ayaa loogu baaqay inay barnaamijka ku cusbooneysiiyaan noocii ugu dambeeyay si ay uga badbaadaan in la jabsado.
Maamulka shirkadda WhatsApp ayaa sheegay inay soo saareen warbixino ay ku shaaciyeen waxyaabaha dhalan kara inkastoo shirkadda ay si wanaaagsan u xaliso arrimaas.
Tani ma ahan markii ugu horeysay ay burcadda Internet-ka ay isku dayaan jabsashada baraha WhatsApp-ka dadka.
Goor sii horeysay oo bishaan ah, inkabadan 1,400 oo ruux ayaa la jabsaday Akoonadooda kuwaasoo sidoo kale taleefanadooda loogu soo diray digniimo ku saabsan suurtagalnimada in la jabsanayo barahooda.