ARIMAHA BULSHADALAYAABKA

Tuulo aroosyada loo joojiyay canshuur lagu soo rogay ragga guursanaya (LAYAABKA DUNIDA)

Tuulo ka tirsan gobolka Kano ee dalka Nigeria ayaa waxaa afartii bilood ee la soo dhaafay hakad ku jira aroosyada, kadib markii uu madaxa odayaasha dhaqanka ee deegaankaasi canshuur ku soo rogay ragga guursanaya.

Caaqilka oo lagu magacaabo Ado Saciid, madaxna u ah tuulada Kera ee waqooyi galbeed Nigeria, ayaa doonaya in ragga caruuska ah ay bixiyaan lacag dhan 377 dollar.

Waxaa taa bedelkeeda uu meesha ka saaray hadiyadaha ay dhaqan ahaan ragga guursanaya u siiyaan qoyska gabadha, kuwaasoo isugu jira alaabta guryaha la dhigto iyo maacuunta.

Caaqilka ayaa BBC-da laanteeda Hausa u sheegay in canshuurta ay ka jaban tahay hadiyadaha, ujeedkiisuna yahay sidii guurka looga dhigi lahaa mid ay dhalinyaradu awoodaan.

Waxa uu intaa ku daray in canshuurta uu go’aansaday kadib wadatashi uu la sameeyay dadka tuulada, balse qaar kamid ah waalidiinta ayaa beeniyay sheegashadaasi.

Dadka tuulada ku nool ayaa dareensan in nidaamka dhaqanka ee hadiyadaha uu ka sahlan yahay kan cashuurta, maadaama uu caruuska siinayo waqti ku filan oo uu kharash ku diyaarsan karo.

Isah Kera oo kamid ah dadka tuulada ku nool ayaa sheegay in sharciga cusub uu ku qasbay qaar kamid ah lamaanaha is calmaday inay deegaanka ka tagaan oo ay meelo kale isku guursadaan.

Sani Kera ayaa dhankiisa sheegay inay u joogaan shan wiil oo uu dhalay kuwaasoo guur diyaar u ah balse canshuurta awgeed dib u dhigay qorshahooda.

BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid