LIFESTYLEUncategorized
Fanaanka Dayax Dalnuurshe Oo Hees Jacayl Oo Calaacal Ah Soo Qaaday (Akhri Qoraalka Heesta)

Kalgacayl xad dhaafo
Xawaareynaya baa
Xeradan ku noolaa
Xalay iigu soo galay
Durbaba xanuunbaa
Xididada dhex qaadoo
Xabadkeyga dagayoo
Aan la xiiqayaa wali
—
Ma xisaabi karaayo
Siduu xaalku iga yahay
Ruuxaan shalay xumeeyaan
Maantana u xiranahay
Ma xisaabi karaayo
Siduu xaalku iga yahay
Ruuxaan shalay xumeeyaan
Maantana u xiisee
—
Qof walboow xasuusnoow
Waxaad xeerataa baa
Xaansha kuugu qoranoo
Xaqiiqdiina waad heli
Anna maan xurmeynine
Oo maan xaqdhawrine
Kolkay xubiga Ii qabtay
Waa tay xakaartaye
Anna maan xurmeynine
Oo maan xariirine
Kolkay xubiga Ii qabtay
Waa tay xakaartaye
Www.aayaha.net