HEESAHA QORAALKA AH

Fanaanka Mursal Muuse Oo Hees Cajiiba Usoo Qaaday Khadra Silimo (Akhri Qoraalka Heesta)

Cishqi igu lixaadsaday soo liicay eegee

Naf jacaylku lurayaa

Lagu yaqaan sidaan ahay.

 

Ladantayda aayaha

Ana laabta kama jarin

Caashaqan ladaabtoo

Ladi waayay jiifkii.

 

Libta guul libta guul

Anoon helin libta guul

Kaa laaban maayee

Alla qaali luulaay

Waxaan nahay laf iyo luud.

 

Libiqsi indhaha iyo

Suniyahaaga lagu ladhay

Dhabankaa labeynta leh

Luquntaa cambaaryaha

Laafyahaaga socodkiyo

Laqabdhaxa jirkaagii

Qurux loo dhameeyaa

Aniguna lalaab kacay.

Aayaha.net

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid