Haddii Aad Qaladaadkan Sameyso, Ogoow Haweeneyda Saaxiib Uun Ayay Kaa Dhiganeysa Ninyohow

Waxaa jiraan sababo haweenka ay ragga uga dhigtaan saaxiib uun. Ficillo yar oo hadana fudud oo aadan aqoon ayaa keeni kara in haweeneyda saaxiib uun ay kaa dhigato.
Waxaad u baahantahay inaad ogaato sida loola macaamilo haweeneyda si aad u joojiso inay saaxiib uun kaa dhigato adigoo doonaya inaad la haasaawdo.
Ficillo yar ayaa bedeli kara fikradda ay adiga kaa qabto inta ay nooshahay.
Hoos ka akhriso 3 qalad oo raggu sameeyaan oo haweenka ku qasba inay galiyaan aaga saaxiibka.
- Aad u fiicnaasho
Mararka qaar ma wanaaagsana inaad noqoto qof aad u wanaagsan. Haween badan ayaa kaaga faa’ideysanaya dabeecaddaas aadka u wanaagsan.
Waxaa laguugula talinayaa inaad nin rag ah noqoto mar kasta oo aad la macaamileyso haweeney aad rabto. Haka yeelin wax kasta oo ay dhahdo ama ay sameyso si aad u cajab geliso.
Nin rag ah iska dhig oo sii fikradahaaga dhabta ah mar kasta  oo aad la macaamileyso.
- In mar kasta lagu helo
Ha noqon qof mar kasta la heli karo markaad isku dayeyso inaad haweeneyda hesho. Waxaa wanaagsan inaad mashquul noqoto mararka qaarkood.
Haweenka badankood waxay u arkaan ragga mar kasta la helo kuwo quus ah. Waxay u badantahay in haweeneyda ay kugu daneysato haddii ay aragto in mar kasta lagu heli karo.
Waxay sidoo kale kuu arkeysaa nin aanan laheyn dano ama howlo kale oo muhiim ah.
- Inaadan u sheegin rabitaankaaga
Waligaa yeysan waqti dheer kugu qaadan inaad haweeneyda u sheegto inaad rabto. Ku guul dareysashada inaad u sheegi weyso waxay keeneysa inay saaxiib uun kaa dhigato sababta ayaana ah inay u qaadaneyso inaadan rabin iyada.