3 Siyaabood Oo Looga Bogsado Saameynta Guur Xun Oo Kusoo Maray

Xiriirada ama guurka xun saameyn xun ayay ku yeelan karaan nolosha qofka. Si ay kuugu suurtagasho inaad horey uga socoto guurarka iyo xiriirada noocaas ah waa in qofka uu marka hore bogsadaa isla markaana uu noloshiisa ka fogeeyaa lamaanaha xun.
Hoos ka akhriso 3 qaabood oo looga bogsado saameynta guur xun ama xiriir xun oo kusoo maray.
- Hala xiriirin isaga/iyada
Waa inaad iska ilaalisaa inaad xiriir la sameyso lamaanihi xumaa. Waxaad u baahantahay inaad naftaada siiso waqti ay ku hilmaamto isaga/iyada isla markaana aad uga bogsato xanuunadii uu isaga/iyada kusoo marsiiyay.
La xiriiridooda xaaladda ayay uga sii dareysaa kaliya maadaama aadan hilmaami doonin iyada/isaga.
- Ku mashquul dadka wanaagsan oo aad ku kalsoon tahay
Naftaada mashquul adigoo waqti la qaadanaya saaxiibada iyo xubnaha qoyska ee aadka kuugu dhow. Markaad sidaas sameyso isma arkeysid adigoo aad u fekeraya isla markaana xasuusanaya dhammaan waxyaabihii kugu dhacay.
Sidoo kale hubbi inaad waqti la qaadato dadka aad ku kalsoontahay maadaama ay taasi kuu suurtagalineyso inaad ka hadasho waxyaabihii kusoo maray.
- Farxad
Naftaada ha u diidin fursad ay ku faraxdo. Ha u sheegin naftaada beenta ah inaan farxad laguugu talagalin, mar kasta waad faraxsanaan kartaa haddii aad rabto.
Si wanaagsan u nooloow oo baro inaad ka mahadceliso waxyaabaha wanaagsan ee aad nolosha ku heysato.