XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Aad Calaamadahan Ku Aragto Ninka, Ogoow Ma Qaadi Karo Mas’uuliyad Guur

Si xiriirka ama guurku u noqdo mid wanaagsan, lamaanayaasha waa inay diyaar u noqdaan sare u qaadida heerkooda waxgaradnimada balse haddii waxgaradnimo meesha laga waayo waxaa halis galaya guurka.

Si kastaba, runta ayaa ah in waxyaabaha ay soo muuqdaan markaad bilaawdo qiimeynta waxgaradnimada lamaanahaaga. Waxaa jiraan qaabab aad ku ogaan karto in ninka uusan garaad ahaan ku filneyn guurka.

Hoos waxaad ka akhrisan kartaa astaamaha lagu garto in ninka uu yahay  mid garaad ahaan aanan ku filneyn guur.

  1. Kuma dadaalo inuu waqti kula qaato

Ninka ayaa caddeyn kara inuu yahay ciyaal oo aanan ku filneyn qaadida masuuliyad guur marka uusan dadaal marnaba ku bixin inuu waqti kula qaato adiga oo xaaskiisa ah.

Ninka caqli ahaan ku filan guurka waa kan mararka qaar howlihiisa kuu hura si uu waqti gaar ah kuula qaato adiga.

  1. Malahan wax riyooyin iyo hammi ah

Ninka garaad ahaan ku filan guurka waa kan leh hammi isla markaana diyaar u ah inuu ka guul gaaro riyooyinkiisa.

Ninka aanan garaadka lahayn uma jiheysno noloshiisa kaliya oo malahan wax hadaf ah, sidoo kale wax jiho ah uma lahan noloshiisa guurka.

Ninka noocaas waa mid aanan garaad ahaan ku filneyn ama aanan qaadi Karin masuuliyadda guurka.

  1. Qof kasta ayuu ka maseeraa

Ma qiranaayo taas inuu maseer badanyahay balse wuxuu ka caroodaa ama ka maseeraa qof kasta oo uu arko inuu heysto nolol qurux badan. Macno ahaan. Uma dulqaadan karo guusha dadka kale taasoo ah sababta uu waqti badan ugu lumiyo hooseysiinta dadka ama inuu liido.

  1. Ma xakameyn karo isku dhac

Awood uma lahan inuu isku dhaca u xakameeyo sida dadka waxgaradka ah marka labaad wuu caroodaa markaad la timaado aragti tiisa ka duwan ama wuu isdifaacaa marka uu qalad galo.

Haddii uusan xakameyn Karin isku dhaca ama dirirta sidee ayuu u qaadayaa masuuliyadda guur?

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid