3 Faa’ido Oo Ku Jirta In Ninkaaga Ama Xaaskaaga Ay Noqoto Saaxiibka Kuugu Fiican

Waxaad u baahantahay inaad u aragto saaxiib dhab ah haweeneyda ama ninka aad ku heshiiseen inaad isguursataan.
Helitaanka farxad waxay ka bilaabayaa qaabka aad iskula xiriirtaan. Waxaa talo wanaagsan ah inaad xiriir adag la yeelato lamaanahaaga si aad u heshaan farxadda guurka.
- Faa’idada ku jirta in ninkaaga/xaaskaaga ay noqoto saaxiib aad kuugu dhow
Markaad heysato saaxiib dhab ah, waxaad la wadaagtaa isaga/iyada dhammaan siraha nolosha. In xaaskaaga ay noqoto saaxiibka kuugu wanaagsan waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka xoojinta guurka.
Ka dhig xaaskaaga mid kaaga dhow qof kasta sababtoo ah waxay taasi kaa caawineysaa in guurkiinu noqdo mid awood leh isla markaana guuleysta.
- Khilaafaadka iyo isku dhacyada ma waxyeeleeyaan xiriirka
Saaxiibada aadka iskugu fiican iskuma careysnaadaan muddo dheer. Xiriirka noocaan ah ayaa ah midka loo baahanyahay inaad yeelato lamaanahaaga. Hubi in qilaafyada maalinlaha ah aysan idin kala fogeyn adiga iyo lamaanahaaga.
Baro inaad xaliso arrimaha idin kala qeybinaya labadiina haddii aad rabtaan farxad. Ha sameyn waxyaabo idinka dhex abuuraya kalsooni darro idin soo kala dhex gasho.
- Waad ogtihiin mid walba xiriiradiisi hore
Waxyaabihii lasoo dhaafay waa muhiim markaad rabtaan xiriir waara. Haddii aad ka dhigato isaga/iyada saaxiibka kuugu wanaagsan kama cabsan doontid inaad la wadaagto wax kasta.
Xasuuso inaad noqoto qof maskax furan isla markaana la wadaaga dhinac kasta oo noloshaada kamid ah iyada/isaga.