5 Waxyaabood Oo Haweenku Ay Ku Jeclaadaan Ragga

Haddii aad tahay nin xaasle ah iyo haddii kale, waxaad u baahan tahay inaad barato sida dumarka loo cajab geliyo.
Halkan waxaad ka akhrisan kartaa shan waxyaabood oo ay haweenku uga helaan ragga ama aad kusoo jiidan karto.
- Labiska
Ragga xirta Suudadka waa kuwo soo jiidasho leh oo cajiiba. Haweenka way jecelyihiin ragga u labista si caqli leh oo xirfadeysan.
Sababtaan darted, suudad qurux badan isla markaana kugu habboon waa inaan laga waayin dharkaaga labiska ah. Uma baahnid inaad xirato mar kasta ee waxaad u baahantahay inaad xirato mararka ay jiraan munaasabadaha gaarka ah ama aad leedahay ballan muhiim ah.
- Caraf/udgoon
Jirkaagu wuxuu dirayaa arrimo badan illaa inta aad soo jiidaneyso qalbiga haweeney. Haweenka waa kuwo aad wax u uriya.
Isticmaalidda cadar iyo waxyaabaha carafta badan way cajab galineysaa. Si kastaba ha iska badin.
- Anshax iyo akhlaaq wanaagsan
Anshax ahaan waa inaad noqotaa qof aad u wanaagsan oo lala dhaqmi karo’ waad ogtahay waxa qaladka ah iyo waxa wanaagsan. Ixtiraamka iyo qiimeynta ayaa kamid ah waxyaabahaas oo fure u ah akhlaaqda.
Haweenku way jecelyihiin ragga fahamsan muhiimadda ay leeyihiin ixtiraamka iyo qiimaha. Noqo nin qiimeeya oo xushmeeya dadka, ma ahan inaad xaaskaaga ama saaxiibtaa kaliya aad ixtiraamto.
- Kalagacayl
Noqo nin yaqaan sida loo shido jacaylka guurkiisa ama xiriirkiisa. Ma jirto haweeney neceb marka lamaanaheeda uu ugu qubeeyo dhaqdhqaaq jacayl.
- Madaxbanaani/xoriyad
Haweenku way jecelyihiin ragga iyaga isku tiirsan ee wax qabsada naftoodana kufilan. Inaad baxsan karto biilashaada ayaa ka dhigeysa gabadha mid aragta awoodahaaga ama kartidaada.
Noqo nin isku filan oo wax qabsada.