Daawo Fanaanka Qamar Suugaani Oo Ka Hadlay Jir Dil Ay U Geysteen Booliiska Somaliland

Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani ayaa la kulmay jir dil xoogan oo ay u geysteen ciidamada Somaliland.
Fanaanka oo qudhiisa ka hadlay dhacdadaan ayaa ka sheekeeyay wixii dhacay isagoo sheegay in ciidamo yaacaya ay qabteen xilli uu kasoo baxay goob dukaan ahayd uu xilligaas kasoo adeegtay oo ku taala xaafadda Calaamadda ee magaalada Hargeysa.
Qamar Suugaani ayaa sheegay in ciidamada markii uu arkay uu weydiiyay waxa dhacay balse aysan waxba u sheegin isagoo tilmaamay in intaas kadib ay wadada dhexdeeda jir dil kula bilaabeen.
Fanaanka ayaa wajigiisa gaar ahaan isha ka muuqday dhaawac taasoo qeyb ka ahayd jir dilkii ay ciidamada u geysteen.
Waxa uu intaas ku daray inaysan jirin wax dambi ah oo lagu heystay oo ay ciidanka jir dilay u sheegeen.
Hoos ka daawo muuqaalka:-
https://web.facebook.com/jeeri.kaambo/videos/10220510014758842/