UGAAR AH RAGGA: 4 Arimood Oo Haweeneyda Damaca Ka Dila Markay Noqoto Kulanka Raaxada

Waxaa jiraan arrimo dhowr ah oo baabi’in kara damaca kulanka raaxada ee ay haweeeneydu qabto.
Waxyaabahaas waxaa kamid ah kuwo aad u yar yar isla markaana ah waxyaabo fudud oo raggu ay hagaajin karaan si kulanka raaxada uu u noqdo mid cajiiba isla markaana damaca gacalisadaada uusan u baabi’in.
Inkastoo aysan jiraan waxyaabo kale oo meesha ka saaro ama baabi’iya rabitaanka raaxo ee haweeneyda hadana Shabakada Aayaha, waxay idiin soo koobtay qaar kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee burburiya damaca haweeneydu u qabto kulanka raaxada maadaama raaxadu ay tahay mid kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee guurku ku dhisanyahay.
Hoos ka akhriso qaar kamid ah waxyabaahaas:-
Nadaafad xumo
Haweenka waa necebyihiin markay raga soo shiiraan ama ay dhanka nadaafadda ka liitaan. Kahor intaadan ku fekerin inaad sariirta kula kulanto xaaskaaga, waa inaad hubisaa inaad suuliga aado oo aad soo qubeysato isla markaana aad soo cadeysato.
Badanaa ragga way ilaaliyaan nadaafadooda markii ay galayaan kulanka sariirta hadana waxaa jiraan kuwo caajis ama caado ay ka noqotay inay galaan howsha iyagoo aanan sameyn waxyaabihii looga baahnaa inay sameeyaan kahor kulanka raaxada.
dhunkasho xumo
dhunkashada ugu horeeysa waa tan ugu muhiimsan marka uu bilaabanayo kulanka sariirta. Looma baahna dhunkasho xumo sababtoo ah dhunkashada wax badan ayay kaa sheegeysa shaqsi ahaan.
Rumeyso ama ha rumeysan, haweenka waa necebyihiin raga dhunkashada xun.
17 qodob oo lamaanaha u horseedaya farxada iyo raaxada guurka
Sheegidda magaca qoftaadi hore
Markaad soo qaado magaca qoftaadi hore iyadoo lagu jiro kulanka raaxada waxaad ku ciyaartay kulankii adigoo fogeeyay lamaanahaaga.
Raga badankood waa kuwo taaha iyagoo soo hadal qaadaya ama sheegaya magaca lamaanaha ay horey xiriirka ula soo yeesheen taasoo gabi ahaanba dambisa kulanka raaxada.
U dhaqmidda qof liita ama fulay ah
Run fudud oo ku saabsan kulanka raaxada ayaa ah in haweenka ay rabaan niman u dhaqma sidii ragga oo kale.
Haddii inta sariirta la joogo aad u dhaqanto sida nin liita ama fulay ah waxaad ku ciyaartay kulanka.
Liidashada waxaa kamid ah inaad inaad weydiiso haddii ay raaxeysaneyso ama inaad ka cabsato inaad waxyaabo cusub isku daydo.