ARIMAHA BULSHADA

Haweeney Da’da 74 Sano Ku Dhashay Ilmo Mataano Ah (Daawo Sawirrada)

Haweeney 74 sano jir ah oo kazoo jeeda dalka India ayaa noqotay hooyada ugu da’da weyn caalamka kadib markii ay dhashay laba canug oo mataano ah.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Erramatti Mangayamma, ayaa sugtay ku dhawaad 60 sano inay caruur u dhashao seygeeda 80 sano jirka ah ee lagu magacaabo Rajarao oo beeraley ah.

Lamaanahan ayaa isguursaday sanadkii 1962-dii iyagoo illaa iyo hadda ay ahaayeen caruur la’aan.

Waxay dhaaftay haweeneydii hore u noqotay hooyada ugu da’da weyn dunida ee Daljinder Kaur oo kazoo jeeda Punjab India, taasoo canug ku dhashay da’da 70-aad sanadkii 2016-kii.

Erramatti oo ah haweeneyda iminka mataanaha ku dhashay 74 sano ayaa kasoo jeeda tuulo lagu magacaabo Nelapartipadu oo ku taala bariga deegaanka Godavari.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid