Waxyaabaha Aadka U Xun Ay Haweenku Sameeyaan Ee Burburiya Guurkooda

Guurka waa sheeyga ugu wanaagsan ee qof kasta oo dunida ku nool uu ku riyoodo. Ma jiraan wax ka wanaagsan inaad yeelato qoys oo nolol farxad leh aad ku noolaato.
Waxaa jiraan qaar kamid ah haweenka oo burburiya guurkooda isla markaana ka shalaaya wax yar kadib.
Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha haweenka badankood ay sameeyaan ee burburiya guurkooda.
Inaysan daryeelin jirkeeda
Ha u maleynin in guursigu yahay sheeyga ugu dambeeya isla markaana aad hilmaameyso naftaada si aad ugu ekaato haweeney 50 jir ah.
Daryeel jirkaaga, si wanaagsan u labiso sidaa darteed waad soo jiidaneysaa ninkaaga si kadaran sidaad markii hore oo aad la kulantay usoo jiidan jirtay oo kale.
U diidid galmo Ninka
Galmada waa sheeyga ugu wanaagsan ee guurka. Waa aaladda mar kasta abuurta xiriirka idinka dhexeeya labadiina.
Marka haweeney ay galmo u diido ninkeeda, waa calaamad cad oo muujineysa in guurkaas mar uun burburayo.
Dayacaad jacayl iyo inaadan muhiimad siinin
Jacaylkiinu aad ayuu u xoog badnaa labadii ilaa saddexdii sano ee ugu horreeyay. Balse markaad dhashay canuggii ugu horeeyay isbedel ayaa yimid.
Xaaladda way kasii dartay markaad canuggii labaad dhashay. Waa inaadan jacayl tusin caruurta kaliya isla markaana aadan illoobin ninkaaga. Waa inaad mar kasta jacayl u muujisaa.
La-wadaagidda nolosha galmada saaxiibadaa
Runtii asxaabta kula qososha ma ahan inay saaxiibadaa yihiin. Waxaa jiraan qaar kamid ah saaxiibadaa oo kaa maseyrsan isla markaana aanan ku faraxsanaeyn guurkaaga.
Markaad u sheegto dhammaan waxyaabaha ku saabsan noloshaada galmada waxay u isticmaali karaan si xun iyo inay ninkaaga la wadaagaan xumaantaas sidaa darteed ka feejignoow waxaad la wadaageyso ama aad u sheegeyso saaxiibadaa.