XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Siyaabood Oo Jacayl Loogu Muujiyo Xaaskaaga, Loogana Dhigo Mid Aad Kuu Jecel

Ragga badankood ma fahamsana sida loo jeclaado xaasaskooda xittaa marka ay ku qanciyaan guurka kadib.

Markaad aqriso maqaalkan illaa dhammaadka, waxaad ka heli doontaa talooyin kaa caawinaya sida xaaskaaga si wanaagsan loogu jeclaado.

  1. Xabadka geli ama dhunko subax waliba

Habsii ama dhunko subax waliba kahor intaadan guriga ka tegin. Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in lamaanayaasha isticmaala sidaan uu guurkoodu yahay mid ka caafimaad badan marka loo eego kuwa kale aanan sidaas sameynin.

Haddii ay xaaskaaga hurdeyso u imoow oo akhyaarnimo ah uga dhunko foolka oo ku dheh “ maalinta cajiib hakuu noqoto macaanto.

  1. Udhaaf xoogaa qoraallo jacayl ah

Kawaran haddii ay guriga timaado, ay aado miraayadda suuliga qubeyska isla markaana ay hesho qoraallo jacayl oo macaan isla markaana loo saaray miraayadda?

Ka nin ahaan waxaad tani u arki kartaa sheey yar oo aanan micno lahayn balse waxay iftiimisaa xiriirka. Sida, “ waanku faraxsanahay inaan kuu doortay qeyb aniga iga mid ah isla markaana aan ku jeclaado waligeey. Waanku jeclahay” ayaa sameyn karta micno weyn.

  1. Daryeel markay xanuunsantahay

Si lamid ah sidaad u daryeeli lahayd canugaaga oo xanuunsan oo kale u daryeel xaaskaaga markay xanuunsantahay.

Daryeelidda xaaskaaga gaar ahaan markay u baahantahay daryeelkaaga ayaa ka dhigi karta mid aad kuu jeclaata.

Waxaa intaas dheer oo ay layaabi lahayd haddii aad ka caawin lahayd alaabta guriga marka aysan fiicneyn.

Ogsoonow in jacaylka ay haweeneyda kuu qabto uu kordhayo markaad tahay qof u fiican.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid