3 Waxyaabood Oo Aad Sameyso Balse Xaaskaaga Ay Aad U Necebtahay (Hadda Jooji)

Nin ahaan, waxaa jiraan waxyaabo ay suurtagal tahay inaad sameyso oo ay dhibsaneyso xaaskaaga.
Haddii aad sameyso waxyaabaha hoos ku xusan, waxaa habboon inaad hadda iska joojisid.
- Taleefan ku mashquulid iyadoo hadleysa
Waxay isku dayeysay inay arrin kuu sheegto balse waxaad ku mashquushay taleefankaaga adigoo markaas kadib weydiiyay “Maxaa tiri? Markii waxa dhan ay kuu sheegtay.
Taasi haweenka aad ayay u dhibsadaan sababtoo ah muhiimad ma siisid mar kasta oo ay kula hadleyso.
Haweenka waxay jecelyihiin in muhiimad la siiyo inaad iska indha tirtana aad ayay u dhibsadaan.
- Aamusnaan markaad guriga tagto adigoo shaqada ka yimid
Way dhibeysaa haweenydaada haddii aad tahay nooca markuu shaqada ka yimaado ee guriga taga aamusa ama shib iska dhaha hadal la’aan xittaa isagoo salaam la’aan.
Waxay kaa rabtaa inaad xabadka geliso “Habsiin” isla markaana aad weydiisid xaaladdeeda iyo sida ay maalintaas ahayd.
Dhib malahan si kasta oo ay xumeyd maalintaada ama jahwareer kasta oo kusoo qabsaday, guriga markaad tagto shib ha iska dhihin. Run ahaantii aad ayay haweenka taasu dhawcdaa adigoo aanan ogeyn.
- U dhaqmidda qof liita iyo arrin yar markeey jirto inaad hooyadaa ula rodo
Waxaa tahay nin weyn niyohow balse marnaba ma sameyn kartid waxaad caddeysay inaad tahay qof liita oo aanan waxba xallin Karin gaar ahaan markii wax yar ay dhacaan haddii arrinta ula rodo hooyo adigoo caawinaad ka raadsanaya.
Dhab ahaantii haweeneydaada waa wax ay necebtahay sababtoo ah waxay kaa fileysaa inaad u dhaqanto sidii nin; is adkeey oo noqo nin rag ah oo go’aan leh isla markaana wax xalin kara.