XIKMADO

Farriimo Jacayl Oo Lagu Sagootiyo Gacaliyahaaga Oo Safar U Socdo

Ilaahay iyo aniga umbaa og dareenkeyga markaad iga tageyso balse waxaan qalbigeyga u sheegaa inaad u socto shaqo iyo mustaqbalkeena. Nabadgelyo gacaliyeheyga waxaan sugayaa inaan si dhaqsi ah kuu arko.

Waxaad I weydiineysay sababta aan u ooyay balse waxba ma oran Karin. Runta ayaa ah inaan iscelin kari waayay. Inkastoo ay tahay shaqadaada, sidee ku noolaan karaa qalbigeyga la’aantiis? Waanku jeclahay boqoradeyda, dhaqsi iigu soo laabo.

Maanta dibadda ayaad u soctaa. Waan is adkeynayaa sababtoo ah xaaskeyga masuuliyad adag ayay heysay balse gudaha Ayaan ka ololayaa, safar salaama. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato shaqada.

Waxaan ku noolaan doonaa nolol wadata xasuuta jacaylkaaga illaa aad iiga soo laabato, jacaylkaaga qof adag ayuu iga dhigay, jaaw ninkeyga.

Shaqadaan aad ayay muhiim kuugu tahay. Ka feker shaqadaada hana iga welwelin qaaligeyga waanku sugayaa soo noqo adoo nabad ah, nabadgelyo xabiibi.

Kuma arki doono maalmo badan balse qalbigeyga ayaad ku jiri doontaa waanku dareemi doonaa macaane. Dadaal oo ka guul gaar shaqadaada. Waanku jeclahay. Safar salaama.

Waxaan rajeynayaa in safarkaan uu kuu noqdo mid wanaagsan. Ku raaxeyso safarkaaga balse ugu dambeyn dhaqsi iigu soo laabo adigoo nabad qaba. Safar salaama boqorkeyga.

Waxaa tahay dunideyda. Waxaa tahay dahabkeyga. Dhaqsi iigu soo laabo. Waan ogahay in dahabkeyga uu sida luulka u dhalaali doono kadib safarkaan cajiibka ah.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid