RAAXADA

Talooyin Fudud Oo Ku Saabsan Kulanka Sariirta Oo Aad U Baahantahay Inaad Ogaato

Haween badan ayaa ka cawda qanacsanaan la’aan dhanka galmada ee guurka, intabadana ninka ayaa dusha laga saaraa arrintaas.

Xaqiiqda ayaa ah, in adiga ka haween ahaan aad kaalin ku leedahay sida lagu heli lahaa raaxo wanaagsan.

Hoos waxaa ka aqrisan kartaa talooyin fudud oo kaa caawinaya inaad hormariso qibradaada dhanka kulanka sariirta.

  1. Noqo qof hal abuur leh

Ha noqon qof dhinicii loo wado yeela, noqo qof isbedel ama farsamo keena sidaa darteed labadiina waxaad sameyn kartaan nooc cusub oo kulanka sariirta ah oo raaxo leh.

Haween ahaan, waxaad heli kartaa ama keeni kartaa qabab cusub oo wax loo sameynayo ama shaqada loo qabanayo taasoo uu ku qanci karo lamaanahaaga isla markaana gacan ka geysan doonta inaad wada raaxeysataan.

  1. Iska ilaali dhaleeceyn

Ha noqon qof lamaanihiisa ku dhaleeceeya inay muddo dheer ku qaadato inuu biya baxo. Mar kasta kalsooni ku geli in wax kasta ay caadi yihiin.

Ha u maleyn in haddii uusan deg deg ku biyo bixin inuusan kaa helin ama uusan kugu qanacsaneyn.

  1. Raaxeysta waqti dheer

In waqti dheer la raaxeysto waxay keeni kartaa qanacsanaan iyo in kulanka uu waqti dheer qaato iyadoo aad ku qanacsantihiin.

Noqo qof hal abuur leh oo raaxada dheereeya intaad awoodid.

Iyadoo aanan la raaxeysan in horey shaqada laga galo waxay keentaa raaxo l’aan iyo in labada lamaane midkood uusan ku qancin howsha ama uu ka niyad jabo.

Si kastaba, baashi iyo taataabasho waxay keentaa macaan iyo in kulanka sariirta waqti qaato isla markaana howshu kusoo idlaato jawi qanacsanaan iyo farxad leh.

  1. Ha walwalin

Haka walwalin haddii uu horey ka biyo baxo lamaanahaaga balse uu galmo ahaan ganco. Marka lamaanahaagu mar labaad shaqada geli Karin isla mddo gaaban gudeheed, haku fakarin inay tani ay tahay calaamad itaal darro ama tabar darro.

  1. Noqo qof firfircoon

Kaalin muhiima ka qaado kulanka. Isku day  qaabab cusub oo kuu ogolaan kara inaad xakameyso xawaaraha shaqada isla markaana cadaadiska aad uga qaado lamaanahaaga si uu howsha u guto.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid