6 Waxyaabood Waa Inaad Kala Hadashaa Lamaanahaaga Kahor Guurka

Waa muhiim in arrimahaan aad kala hadasho lamaanahaaga maadaama ay adiga iyo lamaanahaaga idinka caawinayaan inaad si wanaagsan isku fahamtaan mustaqbalka.
Dhibaatooyin badan oo lamaanayaasha guurka ku dhex mara ayaa la iska ilaalin karaa haddii ay arrimahaan muhiimka ah kawada hadlaan lamaanayaasha.
1. Maseeyr ayaa burburiyay guurar farabadan sidaa darteed, waa muhiim in lamaanahaaga aad kala hadasho arrimaha maseyrka.
Waa inaad sidoo kale kala hadashaa lamaanahaaga guurka kahor waxyaabaha sababa inaad maseyrto.
2. Waxaa u baahantahay inaad kala hadasho sida xirfaddaada ay u saameyn karto nolosha qoyskaaga.
Miyay shaqadaada mar kasta kaa fogeyn doontaa qoyskaaga?
3. Inaad kala hadasho halka aad ku noolaaneysaan guurka kadib sidoo kale waa arrin muhiim ah.
Waxaad u baahantahay inaad kala hadasho nooca guriga aad ku noolaaneysaan. Waa inaadan sidoo kale hilmaamin muddo intee la eg ayaad ku noolaaneysaan guri kiro ah kahor intaadan iibsan guri aad adiga leedahay.
4. Waa inaad sidoo kale ka hadashaan arrimaha sirta ah si aad uga bad baadaan inaad mustaqbalka ka shalaaysaan.
Waa muhiim inaad kawada hadashaan siraha ay suurtagalka tahay inaad heysay guurka kahor si aad iskaga ilaaliso inay mustaqbalka fakato isla markaana guurkaaga burburiso.
5. Kalsoonida waa muhiim haddii aad dooneysaan guur guuleysta. Waa inaad kawada hadashaan kalsooni darrada uu midba kan kale ka qabo.
6. Kahor guurka, waa inaad kawada hadashaan sida labadiina aad rajeyneysaan inaad ula macaamishaan qoysaskiina iyo xaduudaha ay yeelanayaan qoysaska.
Faragelinta qoysaska ayaa dhibaato weyn ku ah guurarka, waana inaadan ka cabsan in arrintaan aad kala hadasho lamaanahaaga.