XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Ay Tahay Inaadan U Qorin Qof Aad Kala Tagteen

Hal dhinac ama dhanka kale, waxaa jiraan dad wali xiriir la leh lamaanayaashoodii ay kala tageen (Ex).

La xiriiridda lamaanahaagi hore ma xuma, waxay ku xirantahay sida aad iskula xiriirtaan labadiina.

Haddii aad jacayl dhab ah isku qabtaan ama uu idinka dhexeeyo ganacsi, taasi waa caadi.

Si kastaba, xittaa inkastoo labadiina aad go’aansateen inaad saaxiib ahaataan, waxaa jira waxyaabo aad ku qasabantahay inaadan u qorin lamaanahaagi hore.

  1. Qoraallo hal kalmad ah

Iska ilaali inaad nin aad hore u kala tagteen aad u dirto qoraal noocaas ah sida (Haye). Qoraallo hal kelmad ah oo aad u dirto ninkaagi hore ama xaaskaagi hore waxay keeneysaa inuu yaabo isagoo ku fekeraya waxaad rabto.

Haddii aad dooneysid inaad qoraal u dirto, si toos ah u abaar ujeedada adigoo sheegaya waxaad dhab ahaantii dooneysid.

  1. Kala hadlid xiriir

Haddii aad u baahantahay talo xiriir, soo dhoweysashada nin aad hore u kala tagteen ama naag waa fikrad xun.

Talada xiriirka waxaa laga doontaa dadka kugu qoyska ah ama saaxiibada aadka kuugu dhow kaliya.

Inaad talo ka raadsato nin aad horey u kala tagteen ama aad xiriir horey u lahaydeen waxay keeneysaa inuu ku fekero inaad tahay qof xun marka ay noqoto dhanka haasaawaha.

  1. Ralligelin inaad ka xuntahay wixii dhacay

Waligaa ha raadin dareenka nin aad kala tagteen adigoo u diraya qoraal raalli gelin ah.

Tani waa arrin ay u badantahay inaad ka shalaayso kadib markaad ogaato inaad tustay sida daran ee aad ugu baahantahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid