XIRIIRKA IYO GUURKA

Haka Xishoon Inaad Waxyaabahan Kala Hadasho Ninkaaga

Waxaa jiraan wadahadallo badan oo maalin kasta dhex mara lamaaneyaasha kuwaas oo ay u arkaan inay caadiyihiin balse waxaa sidoo kale jiraan waxyaabo kale oo ay iska ilaaliyaan inay ka wadahadlaan.

Sababta ay lamaanayaasha iskaga ilaaliyaan ka hadlidda waxyaabaha qaar ayaa ah inay ceeb u arkaan.

Si kastaba, waxaa jiraan doodo kale oo muhiim ah oo ay tahay inaan waligood la iska ilaalin iyadoo ay jirto in ceeb loo arko.

Waa kuwaan waxyaabaha ay tahay in haweenku aysan ka xishoon inay kala hadlaan raggooda.

  1. Xaaladaha dhaqaale

Marka lagu jiro xiriirka lamaanaha waxay filayaan in midba kan kale uu caawiyo dhaqaale ahaan. Si kastaba, midkiin waa inuusan ka cabsan inuu kan kale u fur furnaado marka ay dhaqaale la’aani heyso ama uu caawiyo.

Ogeysii ninkaaga waxa aadan xakameyn Karin maadaama aadan dhaqaale ahaan wanaagsaneyn ama aadan sheygaas dhaqaale u heynin.

  1. Dareenka aad ka qabto saaxiibadiis

Saaxiibada lamaaneyaasha ayaa go’aamiya waxyaabo badan oo quseeya xiriirka. Haddii ay dhacdo inaad raalli ka tahay saaxiibada ninkaaga ogeysii.

Haka xishoon inaad kala hadasho taas, sidoo kale xusuuso inaad inaad u sheegto sababta aad u necebtahay saaxiibadiis haddii ay noqoto inaadan ku faraxsaneyn.

  1. Qorshayaashiina mustaqbalka

Tani waa arrin lamaanayaasha laga doonayo inaysan waligood ka xishoon inay ka hadlaan. Ka hadlidda qorshayaasha mustaqbalka waa qaabka kaliya ee lamaaneyaasha isqaba ay ku kori karaan xiriirkooda.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid