3 Sababood Oo Aad Iskaga Xireyso Baraha Bulshada Ninkaad Horey U Kala Tagteen

Kadib markaad kala dhaqaaqdaan lamaanahaaga, mid kamid ah waxyaabaha aad ku qasbantahay inaad sameyso ayaa ah ka takhalusidda waxyaabaha maalin uun ku xasuusi doona isaga.
Mid kamid ah waxyaabahaas ayaa ah inaad iska xirto barihiisa bulshada. Haddii aad la yaabantahay sababta aad u sameyneyso taas, hoos ka aqri sababaha aad iskaga xireyso baraha bulshada ninkaagi hore.
- Wal wal ayaa kugu dhacaya mar kasta uu naag soo dhigo bartiisa
Hal sheey oo ay tahay inaad niyadda ku heyso ayaa ah taas kadib markaad booqrsooyinka kala qaadataan ninkaagi hore, wuxuu xaq u leeyahay inuu noloshiisa horey usii wato isla markaana uu helo gabar cusub.
Haddii ay dhacdo inaad wali daba joogto oo aad aragto isagoo barihiisa bulshada soo dhigaya gabadha cusub ee uu saaxiibka la yahay waxay taasi keeni doontaa inaad dabagasho.
- Waxaad billaabi kartaa isbar bardhig nolosha ah
Sii wadida xiriirka aad la leedahay ninkaagi hore ee baraha bulshada waa fikrad xun sababtu waxay tahay mar kasta waxaad ku noolaan doontaa nolol aad isku dayeyso inaad ka nolo fiicnaato isaga.
Intabadan tallaabadani waa mid aanan fiicneyn maadaama ay sababi karto inuu dhaawac kusoo gaaro haddii ay dhacdo in isaga uu dhankaas kaaga fiicnaado.
- Si lama filaan ah ayaad fariin ugu diri kartaa
Haddii ay kugu dhacdo inaad u xiisto, fursadaha aad fariin ugu qoreyso ayaa ah kuwo sareeya. Tani waa mid halis badan gaar ahaan markaad awoodi kari weydo xakameynta rabitaankaaga si aad u hadasho.