Home ARIMAHA BULSHADA Calaamadahan Hadaad Isku Aragto Walwal Badan Ayaa Ku Haayo

Calaamadahan Hadaad Isku Aragto Walwal Badan Ayaa Ku Haayo

0

Noloshu waxay nasiisaa fursado badan si aan u kala doorano. Kuwo badan oo naga mid ah waxay ogolaadaan inuu walwalka ka tan badiyo taasoo caqabad ku noqota fursado cusub oo ay ka faa’ideysan lahaayeen.

Inkastoo qof kasta uu ka walwali karo culeysyada soo food saara noloshiisa, hadana inay xad dhaaf noqdaan ayaa noqon karta dhibaato muddo fog ah.

Haddii aad isku aragto calaamadahan, waxaad ogolaatay in walwalka uu qeyb ka noqdo noloshaada.

  1. Marwalba waxaad ka fakartaa xaaladaha ugu xun

Inkastoo qof kasta uu la kulmo waqtiyo xun nolosha, hadana fikradaha joogtada ah ee ah wax xun oo adiga kugu dhacaya ama xubno kamid ah qoyskaaga ayaa noloshaada ku noqon karta buuq isla markaana nabad kuu diidi karta.

  1. Dhib ayaad ku qabtaa hurdada

Walwalka tirada badan ee xad dhaafka ah ja wareer ayuu kugu ridayaa isagoo maskaxdaada u diidaya raaxo iyo inaad hurrdo.

Walaac tiro badan oo ay ugu wacantahay walwalka, maskaxdaada wuxuu ka dhigayaa mid soo jeeda habeenkii.

  1. Mar kasta waad qoomameysaa

Qoomameynta tirada badan ee ku saabsan  fursado ama qaladaad aad sameysay waqti dheer kahor waxay keeni doonaan inaad ka walwalsho fursad kasta oo kuu timaada tanina waxay kaa cabsi galineysaa wax kasta oo aad rajeyneyso inaad sameyso.

  1. Si joogta ah ayaad u baartaa taleefankaaga

Inaad si isdaba joog ah u baarto taleefankaaga adigoo ku fekeraya in lagu soo wacay ama farriin lagu soo diray, ayaa ah calaamad muujineysa inuu walwal xoogan ku haayo.

Uma baahnid in taleefankaaga aad baarbaarto marka aad ku fikireyso in waqtiyada xun ama wanaagsan ay imaanayaan.

Previous articleHow to make soft pancakes with these ingredients
Next articleAqriso Calaamadaha Lagu Garto Ninka Doonaya Kaliya Inuu Kugu Dan Gaaro