Astaamahan Hadaad Ninka Ku Aragto Wuu Iskala Kaa Joogaa Balse Naag Kale Ayuu Jecelyahay

Miyuu nin aad xiriirka leedihiin jecelyahay naag kale balse uu adiga iskala kaa joogaa.
Astaamaha lagu garto, hoos ka aqri.
- Wuxuu u muuqdaa mid aanan ku daneyneyn
Waxaad dareentaa inuu kaa fogyahay. Markaad la hadleyso wuxuu u muuqdaa mid caajis dareemaya isla markaana aanan rabin waxaad u sheegeyso.
Niyad ahaan kuuma soo jeedo waa maqane jooge wuxuuna markaas ka fekerayaa qofta kale.
- Qofta kale ayuu kula barbar dhigaa
Marar badan wuxuu kuu sheegat in gabadhaha qaar aysan wax u sameyneyn sidaad adiga u sameyso.
Markaad wax si qalad ah u sameyso wuxuu kuu sheegi doonaa in gabadha kale ay kaa duwantahay isla markaana uusan jecleyn sidaad waxyaabaha qaar u sameyso.
- Muran badan
Waxaad ku murmi kartaan waxyaabaha ugu yar gaar ahaan markaad u sheegto in xiriirka uu la leeyahay qoftaas kale aadan ku faraxsaneyn.
- Wuu beeniyaa inay isla socdaan
Waxaad aragtay isaga iyo qofta kale oo isla socda balse wuu beeninayaa taas sababta ayaa ah wuxuu ogyahay inaad carooneysid.
Haddii la socoshada gabadha kale aysan wax weyn ahayn muxuu u qarinayaa.
- Waxaad dareentaa in xiriirka aad kaligaa ku tahay
Waxaad bilaawday dareenka ah in cidlo ku tahay xiriirka isla markaana aad baarto taleefankiisa kadibna waxaad aragtay in si joogto ah uu ula xiriiro gabadha ay saaxiibaha yihiin.
W/Q: Foos Ismail Isteelka
Alberta Canada