Home ARIMAHA BULSHADA Haddii aad qaadato shantaan talo waxaad noqoneysaa Taajir

Haddii aad qaadato shantaan talo waxaad noqoneysaa Taajir

0

Sameynta hantida waa qorshe adag. Waxaad u baahantahay inaad dhib kasta marto haddii aad dooneyso inaad taajir noqoto.

Qaabka aad nolosha usoo dhoweysato ayaa kaa dhigi doonta qof guuleysta ama guul dareysta.

Waa kuwaan talo oo la qaato haddii aad dooneysid inaad noqoto taajir.

  1. Keydin

Keydinta ama meel wax dhigashada waa biloowga hanti abuurka. Isbar inaad wax keydsato xittaa haddii ay yar yihiin.

Ma jirto qaab aad ku noqoneysid taajir haddii aadan wax keydsan. Wax keydinta waxay kuu suurtageli doontaa inaad lacagtaas hadhoow ku maal gashato waxyaabo kala duwan.

Hantiileyaasha waa kuwo mar kasta wax meel dhigta.

  1. Deynta iska bixi

Culeyska deynta lagugu leeyahay ayaa waxay ku dhaafi kartaa fursado aad hanti ku sameyn lahayd. Iska hubi inaad bixiso dhammaan deymaha lagugu leeyahay.

Xisaabi deynta lagugu leeyahay inta ay la egtahay kadibna si dhaqsi ah iskaga bixi intaysan ku dhaafsiin fursado bada.

  1. Halis u gal:

Abuurista hantida ayaa waxay la timaadaa dhowr halis. Halistaas ma ahan tan caadiga ah balse waa in waxyaabaha qaar aad hanti gashataa si hadhoow aad wax uga faa’ido.

Waa inaad diyaar u nqototaa inaad qaadato halis badan intaad ku jirtid ganacsiga ama sameynta hantida.

Dadka iska ilaaliya qatarta ayaa la sheegay inaysan marnaba gaarin guulaha nolosha.

  1. Nolol dabaqad dhexe ah

Dadka hantida leh marnaba ma isticmaalaan dakhlogooda oo dhan. Isbar inaad ku nolaato nolol heer dhexe ah.

Xisaabi lacagta aad shaqeysato kahor intaadan abuurin miisaaniyad. Hubi in miisaaniyadda ay tahay mid dhab ah oo shaqeyneysa. Mararka qaar waanku guul dareysanaa sababtoo ah miisaaniyadda aanan suurtagalka ahayn ee aan sameyno.

  1. Ka faa’ideyso fursadaha

Waxaa jiraan fursado ganacsi oo aanan dhammaad lahayn. Dadka hantida sameeya waa kuwo ka faa’ideysta fursadahaas marka ay la kulmaan.

Ogoow waxaad sameyn karto si aad u hesho xoogaa lacag ah.

Previous articleFarsamooyinka Maskaxda Ee Raggu Ay U Isticmaalaan Haweenka (Iska Ilaali Gabaryahay)
Next article4 Serious Signals He’s Sending in a Relationship (Pay Attention!)