XIRIIRKA IYO GUURKA

Sida Loo Kala Doorto Laba Nin Oo Aad Wada Jeceshahay (3 Talo Oo Cajiib Ah)

Kala doorashada laba wiil oo aad dareen u heyso waxay noqon kartaa mid adag.

Wwaxaad arkeysay laba nin oo aad rajeyneyso inaad la saldhigato inkastoo aadan hubin midka ku hanan doona sababtoo ah labada waxay leeyihiin waxayaabaha aad eegto ninka seeygaaga noqon doona.

Saddexdaan talo waxay kaa caawin doonaan inaad doorato kan nolosha aad la wadaagi doonto.

  1. Ninka kaa dhiga qof nafteeda jecel

Dooro ninka ku dareensiiya inaad fiicantahay. Ninka aad ku raaxeysato wehelkiisa isla markaana kaa dhigo qof nafteeda ku faraxsan, sidoo kale ku qiimeeya culeysna kugu saara inaad qof wnaaagsan noqoto.

Ninka ku dareensiiya inaadan isku halleyn Karin isma bedeli doono xittaa markaad guursato.

  1. Ninka dareen ahaan kuusoo jiita

Dooro ninka markaad la kulanto ama aad wacdo aad dareento degenaan iyo raaxo. Ninka dareen ahaan aad iyo aad ugu xirantahay isla markaana haddii hal maalin aadan la xiriirin aad daremeyso caajis.

Haddii aad nin ku jeclaato muuqaal, waxad weyn kartaa waxyaabaha farxadda u ah noloshaada adigoo ku noolaan kara shalaay.

  1. Ninka aanan ka fekerin naftiisa kaliya

Nin waqti kula qaadan doona adiga iyo saaxiibadiis isla markaana kugu wehlinaya ama kaala qeyb galaya xafladaha muhiimka kuu ah sida dhalashooyinkaaga iyo qalin jabintaada waakan ugu wanaagsan marka loo eego nin aanan waqti ku siineyn ama dadka kale oo kaliya waqti siiya ama waqtigiisa ku dhammeeya hurdo, daawasho aflaam ama ciyaaro aanan micno lahayn.

Ninka aanan naftiisa kaliya ka fekerin waa mid sidoo kale ka fekeri doona naftaada, caafimaadkaaga iyo waxyaabaha muhiimka kuu ah isla markaana ku daryeeli doona.

Ka fogoow nin naftiisa kaliya ka fekera oo aanan eegin qof kale sababtoo ah waa mid ku dayici doona.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid