Home XIRIIRKA IYO GUURKA 5 Kalmadood Waa Inaadan Marnaba Ku Odhan Lamaanahaaga

5 Kalmadood Waa Inaadan Marnaba Ku Odhan Lamaanahaaga

0

Mar kasta iska ilaali ereyada aad ku leedahay seygaaaga/xaaskaaga gaar ahaan inta lagu guda jiro muran ama markaad careysantahay.

Waxa kasoo baxa afkaaga ayaa burburin kara guurkaaga. Si aad uga fogaato shalaay

Marnaba hadalladaan haku odhan lamaanahaaga.

  1. “Waanku necbahay”

Kahor intaadan wadajir noqonin, waad isjecleydeyn balse hadda caro yar darteed waxaad ku dhahday waanku nacay. Afkaaga ilaali!

Ereyadaas waxay meesha ka saarayaan dhammaan jacaylkii uu kuu qabay lamaanahaaga sababtoo ah hadalkaaga wuu dhaawacayaa.

  1. “Lacag taada kabadan Ayaan sameeyaa”

Haa waad sameysaa balse maxay tahay sababta aad sidaas u leedahay? Marka laba ruux aad wadajir noqotaan, waxay bilaabaan inay wax kasta wadaagaan .

Lacagta badan ee aad sameyso labadiina ayaa loogu talagalay. Ku hadlidda ereyo noocaas ah waxay burburinayaan kalsoonida lamaanahaaga.

  1. “Aamus”

Marnaba ha aamusin ninkaaga marka uu doonayo in dhankiisa hadlo. Mid kasta oo labadiina kamid ah wuxuu leeyahay xuquuq uu isaga difaaco murankaaga.

Mar kasta uu hadlo waqti sii.

  1. “Waxaan rajeeyaa inaan marnaba lugaha kula soo galin”

Tani waa mid kamid ah hadallada si dhab ah u dhaawaci kara dareenka qofka. Dhib malahan wanaagga aad kusoo ag dareentay ruux kale.

Aqbal inaad yeelatay lamaane cusub isla markaana aad la qabsato noloshiisa. Inaad hadalkaan ku dhahdo wuxuu dareensiinayaa inaadan rabin.

  1. “Waxaan rabaa furriin”

Marnaba lamaanahaaga ha ugu hanjabin furriin. Haddii aad u maleyneyso in guurka uusan shaqeyneyn, go’aanka ugu wanaagsan ee la sameeyo waa inaad la fadhiisato isla markaana aad lamaanahaaga kala hadasho isbedel.

Ku hanjabidda furriin waxay lamaanahaaga galineysaa dareen ah inaadan rabin.

Previous article4 Siyaabood Oo Looga Gudbo Markaad Wali Jeceshahay Ninkaagi/Xaaskaagi Hore
Next articleDifferent types of medication that could cause liver cancer