Calaamado Kuu Muujinaya Marka Uu Ninku Kugu Dan Gaarayo (Gabaryahay Iska Jir)

Xiriirka waa mid kamid ah waxyaabaha ay adagtahay in lasii wado. Helitaanka xasilooni iyo daacadnimo waa kamid ah waxyaabaha ay gabar kasta ku riyooto.
Ragga qaarkood waa kuwo ku daneysta haweenka kadibna ka dhaqaajiya waqti yar kadib.
Waa kuwaan qaar kamid ah calaamadaha gabadhaha laga rabo inay aqoonsadaan marka lagu daneysanayo.
- Lama aadan kulmin saaxiibadiis ama xubno kamid ah qoyskiisa
Ninka sida dhabta ah kuu raba waa kan had iyo jeer ku bara saaxiibadiis iyo xubnaha qoyskiisa. Waa inuu ku faraxsanaadaa inuu baro qoyskiisa iyo saaxiibadiis haddii uu daacad kuu yahay.
Sidoo kale tani waa calaamad muujineysa inuu ku ixtiraamo wax badan.
- Wuxuu mar kasta ku weydiistaa ixsaan
Dadka isjecel waxay u baahantahay inay isgacan siiyaan midba kan kale. Haddii mar kasta uu weydiisto ixsaan isla markaana aad u heelantahay balse markaada marka aad weydiisato ixsaan wuu iska indha tiara.
Haddii uu aad kuugu mar marsiyoodo markaad caawin uga baahantahay isaga kadib wuuku daneysanayaa.
- Marnaba kama hadlo xiriir dhab ah
Ninka daacadda ah waa inuu had iyo jeer daacad kuu noqdaa. Haddii aad shukaansaneysay nin inkabadan sanad isla markaana uusan marnaba ka hadlin guur iyo mustaqbal dabadeed taasi waa tilmaan cad oo kuu muujineysaa inuu kugu dan gaarayo.