XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: 3 Calaamadood Oo Lagu Ogaado Marka Ninku Jacayl Waali Ah Kuu Qaado

Haweenku farxad ayay dareemaan marka ay helaan qof dhinacooda jooga oo jecel isla markaana had iyo jeer diyaar u ah inuu ilaaliyo.

Dareenkaas wuxuu ka dhigaa kuwo qiimo leh.

Marka ay noqoto sida ragga qaarkood ay jacaylkooda ugu sawiraan haweenka, waxaa jiraan kuwo si sax ah u jecel halka kuwa kale waalli ay muujiyaan.

  1. Farriimo tiro badan

Marka dadka uu ka dhexeeyo haasaawe, waxaa jiraan qaabab ay u xariiraan taasoo noqon karta, wicitaan taleefan, farriin qoraaleedyo ama wada sheekeysi waji ka waji ah.

Si kastaba, marka ay noqoto farriin qoraaleedyada, lamaanayaasha waa kuwo farriimaha isku dira marka ay doonayaan inay isku gudbiyaan warbixino muhiim ah.

Dhanka kale, haddii wiilka uu mar kasta kuusoo qoro farriimo sabab la’aan ah kadib jacayl daran ayuu kuu qaaday.

  1. Wuxuu ku hanjabaa inuu isdilayo hadaad ka tagtid

Marka xiriirka uusan u shaqeyneyn sidii la filayay, lamaanayaasha badankood waxay go’aansadaan inay xiriirka isku jaraan.

Si,kastaba, haddii ay dhacdo in wiilka ku hanjabo inuu isdili doono haddii ay dhacdo inaad ka tagto dabadeed taasi waxay tilmaameysaa jacaylka waalida ah ee uu kuu qabo.

  1. Si isdaba joog ah ayuu u baaraa taleefankaaga

Inaad baarto taleefanka lamaanahaaga ma xumo balse waa inay xadidnaataa. Haddii ay dhacdo in ninka uu si isadaba joog ah u dabagalo taleefankaaga, taasi waxay caddeyneysaa inuu kugu waashay isla markaana uusan kugu kalsooneyn.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid