ARIMAHA BULSHADA

3 Qalad Oo Aad Sameysid Markaad Dabeyneysid Taleefankaaga (Iska Ilaali)

Waa wax iska caadi ah in qof kasta oo leh taleefan uu si joogta ah u dabeeyo. Si, kastaba, dadka badankood waxay sameeyaan qaladaad la xiriira dabeynta taleefanadooda, taasoo halis keeni karta.

Si aad ugu dadaasho in taleefankaaga uu ku jiro marxalad wanaagsan, waa kuwaan 3 waxyaabood oo ay tahay inaad iska ilaaliso.

  1. Iska ilaali jaarjarada raqiiska ah ee ay soo saaraan shirkadaha aanan la aqoonin

Inta aad isku dayi lahayd inaad iibsato Jaarjar ka qiimo jaban ka asalka ah ama (original) waxaa mar kasta lagugula talinayaa inaad hesho ama iibsato kan asalka ah oo ah midka wacan.

Sida laga soo xigtay qubaro, Jaarjarada raqiiska ah ayaa intabadan bixiya dab yar, taasoo ah mid aanan kaliya dhaawaceyn taleefankaaga balse sidoo kale sababeysa inuu dab kiciyo ama taleefanka uu qarxiyo.

  1. Iska ilaali taleefanka inaad dabeyso isagoo dabkiisa uusan hooseyn

Taleefanka oo aad si isdaba joog u dabeyso kahor intuusan dabkiisa yaraan waxay yareysaa tayada batariga.

Sida ay shaaciyeen qubarada, waxaa lagugula talinayaa inaad dabeyso taleefankaaga marka uu gaaro 20% iyo ka hoose.

  1. Iska ilaali inaad taleefanka ka tagto isagoo dab ku jira

Cilmi baaris ayaa sheegtay in batariga uu si diiran u kululaado marka uu jaarjar ama dabka ku jiro.

Hadaba, marka taleefanka uu ku jiro marxaladdaas, diiranaanta ayaa sare usii kici kara maadaama muddo badan kuu jirayo dabka taasoo dhaawac u keeneysa taleefankaaga.

Sidoo kale waxaa laga digay in taleefanka isagoo buuxsamay dabkiisa uu Jaarjarka isaga sii jiro taasoo keeni karta halis ah dab kaca taleefanka.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid