Rah sheegi kara haweenka uurka leh

Raha ku nool qaaradda Afrika, gaar ahaanna dhulka ka hooseeya saxaraha ayaa malaayiinkii sano ee la soo dhaafay ahaa mid si nabad ah ugu nool biyaha.
Balse 1930-meeyadii ayaa Saynisyahan Britain u dhashay oo lagu magacaabo Lancelot Hogben waxa uu go’aansaday in uu Rahaasi ku mudo kaadi, arrintaa oo wax weyn ka badashay nolasha Raha duurka igaha nolaan jiray.
Hogben waxa uu ahaa Saynisyahan jecel in xayawaanka uu ku mudo walxaha sida hormoonnada oo kale, si uu u eego sida hormoonnadaasi ay ula falgalayaan jirka xayawaanka.
Ka dib tijaabo hore oo uu sameeyay ayaa Hogben waxa uu si lama filaan ah ku ogaaday in hormoonnada uurka la xiriira ay sababi karaan in Raha uu si joogta ah ukumo u dhalo.
Maureen Symons waxa ay xusuusataa natiijada baaritaan uur oo loo adeegsaday Rake, bartamihii 1960-meeyadii.
“Wali waxaa ii muuqana sawirka wixii dhacay maalintaasi. Mar iyo laba ayaa dhakhtar xiran koor cad wuxuu igu yiri waa xaqiiqo in aad uur leedahay waayo Rakihii wuxuu dhalay ukumo,” ayay tiri Maureen Symons oo BBC-da la hadashay.
Baaritaannada noocani ah oo loo yaqaan ‘Xenopus’ ma ahayn kuwo dadka oo dhan ay heli karaan. Waxaa loogu tala galay oo kaliya baaritaannada deg degga ahi iyo kuwa la xiriira xaaladaha caafimaad, sida in la kala saaro uurjiifka iyo burada ka soo baxda caloosha.
Maureen ayaa laba jeer dilantay, sidaa awgeedna Raha oo kaliya ayaa xilligaasi kala sheegi karayay in ay uur leedahay iyo in kale.
“Haatan unbaan ogaaday in aan aad u nasiib badanahay oo aan soo maray baaritaanka nocaasi ah,” ayay tiri Maureen.
Jesse Olszynko-Gryn oo ka tirsan Jaamacadda Strathclyde ayaa sheegaya in inkastoo baaritaannada ‘Xenopus’ ay yihiin kuwo ku cusub dhagaha jiilka hadda jooga, haddana farsamada iyo cilmiga ka dambeeya ayaa la mid ah kan caadiga ah ee haatan la sameeyo. Waxa isbadalay ayaa ah oo kaliya ayuu yiri qaabka aan uurka uga hadalno.
“Waa in aad dib u milicsataa 1930-meeyadii, xilligaasi oo uurku uu ahaa wax aan caadi ah looga hadlin oo aan afka soo mari karin. Wargeysyada laguma daabici jirin ereyga uur oo dadku waxay u arkayeen wax ay tahay in aanan laga hadlin.”
Jesse Olszynko-Gryn waxa uu ku doodayaa in baaritaanka uurka ee nooca ‘Xenopus’ uu meesha ka saaray cabsidii klaga qabay in laga hadlo arrimaha uurka la xirira.
Rakaha ama Raha ayaa ugu dambeyn laga maarmay wixii ka dambeeyay 1970-meeyadii, xilligaasi oo la soo saaray baaritaannada casriga ah ee uurka lagu baaro ee ilaa haatan la isticmaalo.
BBC