Home XIRIIRKA IYO GUURKA Sameey shantaan waxyaabood, Haddii aad dooneysid inaad gabar kasta soo jiidato

Sameey shantaan waxyaabood, Haddii aad dooneysid inaad gabar kasta soo jiidato

0

Ma dooneysaa inaad noqoto nin ay haweenku jecelyihiin? Haweenku waxyaabo badan ayay ka eegaan ninka.

Waxaa jiraan sifooyin gaar ah oo haweenka ka dhigi kara kuwo ku jeclaada marar badan.

Waa kuwaan 5 waxyaabood oo kaa dhigi doona mid haweenka sidii mashiin u soo jiita.

  1. Ixtiraam

Ixtiraamku waa mid kamid ah mansabyada guulaha xiriirka. Haweenka waxay mudanyihiin rag ixtiraama.

Waxay doonayaan in afkaartooda la tirsado mar kasta. Ma jiro xiriir ixtiraam la’aan ah oo horey u soconaya.

  1. Marnaba haku cabsiin ama ha ugu hanjabin dad weynaha dhexdooda

Ragga qaarkood ayaa lagu yaqaan inay haweenka ugu caga jugleeyaan dadweynaha dhexdooda ama banaanka. Marnaba taasoo kale haku sameyn haweeney aad jeceshahay.

Ragga waxaa waajib ku ah inay ogaadaan in haweenka ay mudanyihiin la dhaqan wanaagsan. Baro sida arrimaha loogu xakameeyo caqli iyo deganaan mar kasta.

  1. Ka shaqeey riyooyinkaaga

Raiyooyinka waxay ninka ka dhigaan mid ka duwan ragga kale. Go’aanso inaad ka shaqeyso waxyaabaha rabitaankaaga.

Waxaa jirta himilo aad dooneyso inaad gaartid, xaqiiji inaad ka guul gaarto. Marnaba ha ogolaan in adiga iyo waxaad rabto la idin soo kala dhex galo.

  1. Gacan sii

Helitaanka nin haweeneyda gacan sii ma sahlana mar kasta. Ragga badankood ma rabaan inay wax bixiyaan.

U dagaalan haweeneydaada iyadana way ku jeclaan doontaa si aysan waligaa kuu jeclaan oo kale. Haweenka waa kuwo jacayl u qaada ragga kartida u leh inay ka fekeraan isla markaana daryeelaan lamaanayaashooda waqti kasta.

  1. Ha iska dhigin qof quustay ama niyad jabay

Quusashada ama niyad jabku waxay keeni kartaa in lagu diido. Ma jirto haweeney rabta inay la haasaawdo nin niyad jabay ama quustay.

Caddeey inaadan  quusan. habka aad u maareyso ayaa go’aamin doonta waxyaabo badan oo noloshaada quseeya.

Previous articleFarriimo jacayl oo loogu talagalay dadka isjecel
Next articleNin huradada ka toosay isagoo ay ka go’antahay xubinta taranka (Sheeko Yaab Leh)