Home XIRIIRKA IYO GUURKA 5 Siyaabood Oo Lagu Joojiyo Inaad Jeclaato Qof Aan Isagu Ku Jecleyn

5 Siyaabood Oo Lagu Joojiyo Inaad Jeclaato Qof Aan Isagu Ku Jecleyn

0

Waa dhaawac marka aad jeclaato qof oo isaga ama iyadana aysan ku jecleyn. Dad badan ayaa naftooda dhaawaca iyagoo isku dhiba inay xiriir noocaas ah ka shaqeysiiyaan.

Waa waqtigii aad aqbali lahayd isla markaana horey aad uga socon lahayd.

Waa kuwaan qaababka lagu joojiyo inaad jeclaato qof aanan ku jecleyn.

  1. Aqbal xaqiiqda ah in qofkaan uusan kuu baahneyn

Aqbal oo niyaddaada gali xaqiiqda ah in isaga ama iyada aysan ku jecleyn. Markaad aqbasho taas, waxaad joogtaa boos wanaagsan oo naftaada aad uga xakameyn karto ineysan daba ordin qof aanan rabin.

Marar badan ayay dadka lugaha la galaan xaalad adag oo noocaas ah sababtuna waxay tahay inaysan diyaar u ahayn inay qaataan runta.

  1. Raadi qof ku jira xaalad noocaas ah

Laba madax waxay ka wanaagsanyihiin hal madax. Hel qof ku jira xaalada aad ku jirto mid lamid ah. Midba kan kale haka caawiyo siduu ula qabsan lahaa xaaladdaas. Isaga ama iyada waxay kugu dhiiri gelin doontaa inaad qofkaas la’aantiis noolaatid.

  1. Ilaali naftaada

Isbar inaad ilaaliso naftaada. Ilaalinta ama ka fekeridda naftaada waxay kaa dhigeysaa qof adag. Marka isaga ama iyada aysan ku jecleyn, isbar inaad horey uga socoto oo aad noloshaada wadato.

  1. Riyada iska dhaaf

Sidii aad rabtay ama fileysay haddii aysan wax noqon, ilaahay (SWT) uguma talagalin in waxyaabahaas ay shaqeeyaan ama aad ku guuleysato.

Riyada sida ugu dhaqsiyaha badan ha u baaba’do. Waxyaabaha qaar waxaa wanaagsan inaad iska iloowdo intaad maskaxda ku heysan lahayd.

  1. Ha caroon

Inaad carooto xal uma keeneyso dhibaatada. Waxaa jiraan sababooyin badan uu jacaylku u shaqeyn waayay. Haku cadaadin inay dib kuusoo jeclaato ama dib uu kuusoo jeclaado.

Previous articleMa dooneysaa inaad imtixaanaadka guul ka gaadho?
Next articleTalooyin kaa caawinaya inaad lamaane daacad ah u noqoto guurka