XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Siyaabood Oo Saaxiibadaa Ay Ku Burburin Karaan Guurkaaga (Fadlan Ka Digtoonow)

Akhristayaasheena qiimaha leh waxaan idiin soo gudbineynaa 4 siyaabood oo saaxiibadaa ay ku bur burin karaan guurkaaga/xiriirkaaga.

Hoos ka aqri.

  1. Dhib kasta ayaad ku wargelisaa

Markaad saaxiibadaa u sheegto dhibaatooyinka ka dhaca xiriirkaaga, waxaad qolka burburka u sameysay guurkaaga. Usheegitaanka saaxiibadaa dhibaato kasta oo xiriirka quseysa isla markaana aad wajaheysid waxaad sawir qaldan ka bixineysaa xiriirkaaga/guurkaaga waxayna saaxiibadaa arkayaan dhanka xumaanta ee aad tustay kaliya.

Marka ugu dambeyso saaxiibadaa waxay bilaabayaan inay kugu dhiiri geliyaan inaad ka tagto ama aad iska furto lamaanahaaga aad jecleyd taasoo noqon karta mid aad ugu dambeyn ka shalaayso.

  1. Talo

Saaxiib kasta ma ahan khabiir dhanka guurka ah ama xiriirka. Qofka waa inuu ka taxadaraa noocyada saaxiibada ay talooyinka ka qaadanayaan sababtoo ah taalada saaxiibkaa ayaa xiriirka u horseedi karta jahwareer.

Sidaa darteed, xiriiro ama guurar farabadan ayaa u burburay talooyin ay dadkaas saaxiibadood ka heleen dartood. Talada waxay noqon kartaa mid xiriirka faa’ido u yeelata ama mid burburisa marka waa inaad ka taxadartaa qofka aad talada ka qaadaneyso.

  1. Isbarbardhig

Waa inaadan xiriirka ama guurkaaga la bar bardhigin kuwa saaxiibadaa; taas marnaba ma caawineyso xiriirkaaga dhan kasta oo ay noqoto. Lamaanahaaga hala barbardhigin lamaanaha saaxiibkaa ama saaxiibtaa hana u ogolaan saaxiibadaa inay sameeyaan si lamid ah taas. isbarbardhigga wuxuu dilaa xiriirka.

  1. Dhaqankaaga

Dhaqankaaga waa waxa ka dhigaya saaxiibadaa kuwo ku qiimeeya. Haddii ninkaaga ama xaaskaaga aad qadarin sare u muujiso xittaa markaad la joogto saaxiibadaa way kugu raacayaan balse haddii aadan ula dhaqmin lamaanahaaga sida boqorkaaga ama boqoradaada si lamid ah taas ayay sameynayaan taasoo ah mid saameyn xun ku yeelaneysa xiriirkaaga.

Arintaan waa mid muhiima maadaama sawirka aan xiriirkeena ama guurkeena ka bixino uu hadhoow dib noogu soo laabanayo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid