HEESAHA QORAALKA AH

Heesta Boodhari Ee Fanaanka Ahmed Aarshe Oo Qoraal Ah [Markii Aan Wada Bohownay Dhexdeena Jacayl Ka Beermay]

Markii aan wada bahownay

dhexdeena jaceyl beermay

haduu nacab xayte baas

been uu nagu kala dhantaalay

hadaad awgay basaastay

dhankeyga miyaan badbaadey

Tubtuu boodhari kuwiiqmay

haduu balo kuu horseeday

bukaankana kugu cusleeyay

xusuus tii miyaan ka baantay

Jacaylkii bari samaadka

bogeyga anoon ka goynin

haduu calafkeenii baaqdey

adoon igu haysan beerka

Munaay noloshaada beegso

Xogteynu hadey kubaahdo

baraha bulshadee adduunka

sidii qays loo bayaanshay

bandhiga Cali sheekadiisa

baalasha lagu qoro xussuusta

miyaan lagu baran iskuulka

Jacayl yahow baaxad weyni

dhibkaad ibadiyo xanuunka

hadaan udhintoo bud seexdo

miyaan gali buug diwaanka.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid