Ha Guursan Weli Haddii Lamaanahaagu Sameeyo Saddexdaan Waxyaabood

Guurku waa hay’ad sharcigeeda heysata. Dadka qaarkood waa kuwo ku deg dega guurka iyagoo ugu dambeyn ka shalaaya.
Kahor intaadan haa ku oran isaga/iyada, fadlan ka fiirso oo si wanaagsan u faham.
Ha guursan weli haddii lamaanahaagu sameeyo sadexda arrimood ee hoos ku xusan.
- Haddii isaga/iyada aysan mudnaan ku siinin
Lamaane kalgacayl leh oo ku jecel waxba kaama hormariyo. Isaga/iyada waxay kuula dhaqmeysaa si gaar ah oo muujineysa inaad ku weyntahay.
Haddii aad xiriirka ku aragto hab dhaqan xun ama lamaankaaga uu si xun oo aanan wanaagsaneyn kuula dhaqmo kadib xiriirkaas mar labaad ka feker.
Waxaad u baahantahay dareen gaar ah si xiriirka aad uga dhigto mid kobca oo horumar sameeya.
- Isaga/iyada malahan qorshe dhaqaale
Lacagta waa mid door weyn ka ciyaarta xiriirka. Haddii lamaanahaaga uusan lahayn qorshe uu ku sameeyo lacag kadib waad lunsantahay. Lacag la’aanta waxay nolosha ka dhigtaa mid aad u adag.
- Isaga/iyada marnaba marabto inaad la kulanto saaxiibadeed/saaxiibadiis
Lamaanaha wanaagsan waa inuu kuusoo bandhigaa wax kasta oo noloshiisa/nolosheeda quseeya. Isaga/iyada waxaa looga baahanyahay inuu noqdo qof kugu faraxsan ee ma ahan inuu kaa qariyo ama kaa qariso saxiibadeed/saaxiibadiis ama qoyskiisa/qoyskeeda.
Haddii isaga ama iyada aysan marnaba ka walwalin inay kuusoo bandhigto ama ku barto qoyskeeda ama dadka aadka ugu dhow kadib waa inaad mar kale ka fekertaa arimaha jacaylkaas kahor intaysan waqti dambe kugu noqon ama aadan daahin.