4 Waxyaabood oo muhiim ah oo ninka ka dhigaya mid ku jeclaada kuna guursado

Ragga badankood waa kuwo dhowr waxyaabood ka eega haweeneyda kahor intaysan go’aansan inay guursadaan.
Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha nin ka dhigaya mid oo ugu dambeyn ku guursada.
- Dadaal badan
Ma jiro nin jecel inuu guursado haweeney caajisley ah. Haweeneyda dadaalka badan waah anti uu nin kasta rabo.
Rajooyinka mustaqbalka waa kuwo ifaya markaad hesho haweeney dadaal badan oo howl kar ah, waana garab nin kasta uu jecelyahay inuu yeesho.
- Deeqsiyad
Deeqsinimada waa mid ninka ka dhigeysa mid ku jecel oo raba inuu ku guursado. Lahaanshaha qalbi wadaag waa mid kamid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee nin kasta uu rabo in haweeneydiisa ay yeelato.
- Haweeney aan kibir badneyn
Islaweynin la’aanta waa mid kamid ah sifooyinka laga eego gabadha larabo in la guursado. Qofna ma rabo inuu guursado  gabar cawaan ah oo kibir badan.
Ragga mar kasta waxay dareemaan qadarin markaad tahay qof aanan ku kibrin.
- Nadaafad
Nadaafaddu waa imaanka barkiis. Raggu ma jecla dumarka isku dhex daadsan ee areebooyinka ah.
Nin kasta waa mid ku riyooda oo jecel inuu guursado haweeney nadaafad badan oo nadaafadeeda laga dareemayo iyada, caruurta iyo guriga intaba.