3 Waxyaabood Haku Odhan Lamaane Dhawaan Ismehersaday

Waa wax caadi ah in dadku daneeyaan inay ogaadaan dhammaan xogta marka saaxiibadood ama xubno ay isku qoys yihiin ay ismehersadaan.
Waxay ubadantahay inaad ogaato waqtiga aroosku dhacayo, halka uu ka dhacayo iyo haddii lagugu marti qaado.
Si,kastaba, waxaa jiraan waxyaabo ay tahay in qofku iska ilaaliyo inuu ku yiraahdo lamaane mar dhow ismehersaday maadaama ay u muuqdaan kuwo aanan habbooneyn.
Waa kuwaan 3 waxyaabood oo ay tahay inaadan ku oran lamaane dhawaan ismehersaday.
- Yaa bixinaya lacagta arooska?
Inaad tahay waalidiinta laamanaha ma ahane waa inaadan lamaane dhawaan ismehersaday aadan weydiin su’aal noocaas ah.
Waa inaad iska ilaalisaa mowduucaas maxaa yeelay dad badan ayaa door bidaan inay qarsadaan arimohooda dhaqaale.
- “Waanku faraxsanahay inaan imaado arooska?”
Qofka waa inuu sugaa illaa si rasmi ah loogu casuumo ka qeyb galka arooska. Isticmaalka jumlad noocaas ah kahor intaan lagugu casuumin arooska ayaa abuuri karta sawir qaldan maadaama xittaa aadan ogeynin lmaanaha ay qorsheynayaan dhigashada aroos iyo inkale.
- “Goormaad caruur yeelaneysaa?”
Dad qaarkood way ku fogaadaan weydiinta noocaas ah oo ay tahay inaadan qofka weydiin su’aal noocaas ah maadaama Allaah (SWT) uu caruurta bixiyo.
Jumladdan waa in la iska ilaaliyaa maadaama lamaanaha mar dhow ismehersaday aysan xitaa bilaabin u diyaar garowga arooska.
Waxaa iska caadi oo xittaa ma xuma inaad lamaanaha weydiiso su’aal noocaan ah marka ay aqal galaan oo muddo ay wada joogaan.