Qiso Jacayl murugo leh oo wiil iyo gabadh Soomaali ah ku dhexmartay Xajka

Waa wiil Soomaaliyeed oo reer Hargeysa ah, hase ahaatee, xilli xilliyada ka mid ah cumro u tagay xajka barakaysan ee Maka. Cumradaas uun kuma uu eekaan ee waayuhu waxa uu la kulmiyey gabadh Soomaaliyeed, oo halkaas uu tegey ku noolayd isku magaalana ay ka yimaaddeen. Inantii kalgacal ayuu u qaaday, oo kolkii uu Maka ka soo noqday kagama uu iman sidii uu ku tegey, ee waxa uu soo noqday isagoo soo cumraystay, asee tebeya waax ka mid ah, taas oo ah inantii ay halkaa isku barteen.
Aslanba, qiimaha shay weliba wuxuu ku xidhan yahay inta uu kuu jiro, ee aad heli karto. Haddii aad haysatidna, badanaa muhiimad saasa kuuma laha. Jacaylkuna waxaaba la sheegaa marka uu ugu daran yahay, inay tahay kolka labada qof kala fogaadaan, ee xuduudaha samayska ah iyo badda mawluhu ku kala badhay kala hor taagan yihiin ay aad iyo laxaad isugu hilloobaan.
Labadoodiiba aaladda internetka ayaa marin ay farriimaha iyo codadka isu mariyaan u ahayd, halkaas ayayna sidii kuwo wada jooga isaga warqabeen. Iyagoo jecaylkoodii iyo xidhiidhkoodii u socdo oo figta maraya, ayaa waa adduunyee wiilka aabbihii geeriyooday.
Waa aabbihiisii cumrada u diray, oo carruurta kalena ay isaga dhawaayeen. Geeridaasi waxay wiilka jacaylka la daranyaysnaa ku ahayd fallaadh waayuhu kusoo ganay, oo meel xun ka haleeshay. Isagoo geeridaas la daalaa dhacaya ayaa culays kale ugu biiray, naftii uu jeclaa ayaa maalin soo wacday oo u sheegtay in wadnuhu xanuunayo! Dhakhtar tag ayuu kula taliyey, dhakhtarkiina war wanaagsan ma sheegine, xaaladdeedii ayuu ka sii dayriyey oo qalliin ayuu xal uga dhigay. La qal se kuma ay ladnaan. Tirabana saddex qalliin ayay martay, iyadoo kii u danbeeyey la yidhi farsamo xumo qalliinnadii hore ah ayaa ku heshay, oo xiddida dhiigga ee wadnuhu ma shaqaynayaan, sidaa darteedna waa in tuunbooyin laguu geliyaa.
Sidaana xaaladdeedii ku sii xumaatay. Xanuunkeedu waxa uu kusoo beegmay xilli uu geeridii aabbihii iyana la murugaysan yahay, waxay wiilka ku ahayd buur labaad oo la korsaaray. Weliba marwalba waa ay iska warqabeen, iyadoo xidhiidhkoodii sii kordhay, oo nolosha danbe sida ay u kulmayaan iyo halka ay degayaan ay sii oddorasayeen.
Muddo waxay sidaa ku jiraan oo marba iska warhayaan, iyadoo xanuun la tacaalaysa, laftiisuna uusan wax badan badqabin ayaa war naxdin lehi uu soo gaadhay ‘inantii hebla way dhimatay’ ayaa dhabta loo saaray. Af-kalaqaad ayay wiilkii ku noqotay, waa adoo taadii awalba la ildarnaa, ilayska yaraa ee kuu ifayeyna ha kaa damo”
Qisadaas murugada leh, waxaa BBC-da uga warramay Maansayahan Cabdiraxmaan Axmed Cumar ‘haldhis’ oo ay saaxiib yihiin wiilka ay ku dhacday, ogaana intii ay inantu noolayd jacaylkooda, markuu saaxiibkii u sheegay inay hebli dhimatayna, isaguna maansadan soo socota ugu baroordiiqay qisadaas uu goobjoogga u ahaa, maansadana magaceedu waa Digrigii Xubbiga.
Maansada Digrigii Xubbiga
Waktigu dardar buu ka yahay
Mar kale door buu ka yahay
Dahsoonna mar buu u yahay
Dunida safarkeeda taxan
Nolosha duubkeeda dheer
Markani gurigaan dugsaday
Dawaar adag baa furfuran
Darmiyo gogoshii la laab
Labada dhinac baan ka dayey
Dacalka midig baa babbaday
Darafka bidix baa ku xigey
Markuu seeskiisu dumay
Dawanka dhiilladu ka yeedh
Durtaba cabsi baan dhex galay
Dareen cidla’ aan dhex tagey
Docdii wehelkaa bannaan
Duruufahan yaabka badan
Dharaarahan daalka badan
Xanuun daran baa ku ladhan
Naftayda dab baa ku shidan
Boggana damqashaa ku mudan
Jidhkani i dubaaxiyoow
Digtoor ma hayee miyaan
Anigu ku dawayn karaa
Dibiib kuu noqon karaa
Didmada kaa celin karaa
Wadnaha i daloola ee
Haddana i danqaabayoow
Wuxuu dildillaac ku yimi
Wadnii ku dabooli laa!
Diyaarad Riyaad ka timi
Dushayda ma sooo martee
Dabaysha dhacdaay i qaad!
Ayaamahan diifta badan
Daruur onkoddaay i qoo
Dariiqba dariiq ka dheer
Dhabbadu sii duragtayeey
Dalcaddu sii koradhayeey
Hadh baan doondoonayee
Markuu damalkaygu dhacay
Cadceedda is daashanneey
Markuu jawi diirran lumo
Dubkiyo dhaxantaa is hela
Qof kuu ah dugsoon kalgacal
Qof kuu ah difaac qofnimo
Qof kuu ah daryeel ku sida
Hadduu dakhar yari ku dhaco
Waxaa deristaan naxdine
Dhabeel diran bay ahayd
Qof eega dantay ahayd
Dulqaad qof le bay ahayd
Darbiga samirkay ahayd
Dubbaha xumahay ahayd
Qof diin jecel bay ahayd
Dumarka jannaday ahayd
Maxay dun xariiri tari
Haddaan lays daynahayn
Dabeecad wanaagsaneey
Maxay sharaf doora iyo
Lahayd dadnimiyo xishood
Waxaan u jeclaa dadkoo
Darteed baan faraxsanaa
Dhawaanna dugsaan lahaa
Wax see arrinkaa dellegay
Talada dakharkaa ku dhigay
Dillaan dhacay kaayihii
Dugsiga noloshee baxaay
Dambarka samehee gudhaay
Dabayl farxadeed go’daay
Shimbirka duulee tagaay
Gabbalka dhacayee dumaay
Dayaxa nuuree libdhaay
Laydhkii araggee damaay
Digriga xubbigaad tahee
Haddaan dabadaa qof helo
Xuskaaga ma duugi karo!
Daartaad ku lahayd qalbiga
Adaa ku dakaynayoo
Dhexdeeda dawaafayee
Dayrkeeda xusuusta mudan
Habaasku ma daari karo
Jacaylku qolkuu dhex degay
Albaabka dartaa u furan
Lillaahi ku daabacnow
Salaadda markaan dukado
Durraansiga Eebbeheen
Wuxuu dalabkaygu yahay
Si daacada oo kal furan
“Jannada ha dabbaalatee
Rabboow durdurkeeda gee”
Si aan hadal uga dambayn
Tixdana dulucdii u lumin
Waxaan dabarkaa ku xidhay
Rabbow ducadaa ajiib!
Qore : Cabdiraxmaan Dhimbiil
BBC