4 Talo oo kaa caawinaya inaad cajab galisid gabadha aad jeceshahay

Inaad farxad galisid gabar uma baahna waxyaabo qaali ah. Waxaa jiro waxyaabo fudud uu qofku sameyn karo uu ku cajab galin karo gabar.
Waa kuwaan 4 talo oo kaa caawinaya inaad cajab galisid gabar.
- Si wanaagsan u baro
Inaad hesho waqti aad si wanaagsan ugu barato gabadha aad jeceshahay waa muhiim. Taas waxay kuu sahleysaa inaad barato waxay jeceshahay iyo waxa ay necebtahay.
Marka aad barato waxay jeceshahay iyo waxay necebtahay, way sahlantahay inaad cajab galisid adigo u sameynaya waxyaabaha wanaagsan ee ay jeceshahay.
- Dareensii inay kugu weyntahay
Dareensiinta inay kugu weyntahay waa arin aad muhiim u ah. Waxaad ku dareensii kartaa gabadha aad jeceshahay inay kugu weyntahay faanin ama ammaan. Dumarka waa kuwo jecel ammaanta balse ma ahan tan beenta ah.
- Labis wanaagsan
Gabdhaha badankood waa kuwo jecel ragga garanaya muhiimadda ay leedahay inaad si wanaagsan u labisato.
Sidaa darteed si aad u cajab galiso waa muhiim inaad si wanaagsan u labisato.
- Noqo nin go’aankiisa ku adag
Wiilka awoodda u leh hogaaminta iyo sameynta go’aano adag waa kan hela haweeney soo jiidasho leh.
Waa muhiim inaad mar kasta qaadato qaladaadkaaga isla markaana aad sameyso isbedel sax ah.