XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Calaamadood Oo Aad Ku Ogaan Kartid Wiilka Aad Saaxiibka Tihiin Inuu Noqon Doono Seey Wanaagsan

Miyaad ka walwalsantahay haddii saaxiibkaa uu noqon doono seey wanaagsan? Hagaag, kaligaa maahan.

Walwalkaan waa mid dhibay haweenka badankood. Arrimahaan ayaa noqday kuwo culeyskooda leh maadaama guurka uu ka duwan yahay shukaansiga.

Waxaa jira siyaaabo ay suurtagal tahay in gabadha ay ku xaqiijiso haddii ninka uu noqon karo seey wanaagsan.

Waa kuwaan qaar kamid ah talooyinka kaa caawinaya inaad ogaatid haddii saaxiibkaa uu noqon karo nin wanaagsan.

  1. Waa mid dhaqaale ahaan madax banaan

Mid kamid ah waxyaabaha muhiimka ah marka guur yimaado ayaa ah sida lamaanaha dhaqaale ahaan ay u yihiin kuwo isku filan.

Sababta ayaa ah, Marka laga hadlayo guurka, lamaanayaasha waxaa laga rabaa iney sameeystaan qoys dhaqaale ahaan xasilan

Sidaa awgeed, haddii saaxiibkaa uu dhaqaale ahaan isku filanyahay ama deganyahay, kuma tiirsana qoyskiisa ama waalidiintiis dhaqaale ahaan, taasoo ah calaamad wanaagsan oo ka dhigeysa seey wanaagsan.

  1. Waa hogaamiye dhiiri gelin leh

Haddii ay dhacdo inuu noqdo mid dhanka dhiirigelinta ku wanaagsan, dabadeed ogoow inuu noqon karo seey wanaagsan isla markaana karti uleh hogaaminta qoys.

  1. Waa mid ku cafin kara

Hal waxyaabood oo ninka u baahanyahay si uu u noqdo nin wanaagsan/seey wanaagsan ayaa ah inuu noqdo mid si fudud wax ku cafiya isla markaana wixii dhacay horey uga socda.

Sababt ayaa ah lamaanaha isqaba waa kuwo sameeya qaladaad, waxana jirta baahi mart kasta loo qabo cafis si horey looga socdo wixii dhacay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid