XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: 3 Waxyaabood Iska Ilaali Marka Ay Noqoto Xiriir Cusub

Helitaanka jacayl cusub ayaa badanaa la timaada farxad gaar ahaan dumarka. Farxaddaas ayaa ku hogaamin karta inay sameeyaan dhaq dhaqaaq bur burin kara xiriirka cusub ee ay dhawaan sameeyeen.

Hadaba gabdho, waa kuwaan 3 waxyaabood oo ay tahay inaadan marnaba ku sameyn xiriir cusub.

  1. Inaad gabdho soo wadato marka uu ku weydiisto inaad kulantaan/shukaansi

Waxay ahayd sanado ama bilo oo aadan galin wax shukaansi ah, ugu dambeyn mdi ayaad heshay.

Farxadda waa mid sareysa, waa nin soo jiidasho leh oo la jecleysto adigana waxaad ku fekertay inaad hore usoo wadato saaxiibadaa si ay u arkaan.

Arrintaas waa mid xun oo raggu ay necebyihiin. Haddii kaa dalbado kulan adiga bis hakugu ekaato oo qof kale iska ilaali inay ku ciyaaro qorshaha uu kuu haayo.

  1. Inaad xiriirkaaga kusoo bandhigto baraha bulshada

Sida aan sheegay, wuxuu noqon karaa nin soo jiidasho leh isla markaana leh tayo kasta oo aad ragga ka eegeysay balse taas waa inaysan kusiin sabab aad ugu soo bandhigto baraha bulshada. Wax kasta hakugu ekaadaan adiga.

Kasokoow waa xilli hore, maxaad sameyneysaa haddii uu isbedelo inaysan wax kasta banaanka imaan? Adiga mar hore ayaadba kusoo bandhigtay barahaaga bulshada sida Instagram-ka iyo Facebook-ga? Sidee ayaad u xakameyneysaa ceebtaas?

  1. Weydiinta dakhligiisa inta uu la egyahay

Kaalintaada waxay tahay inaad u ogolaato inuu adiga kaa farxiyo si lamid ah sida aad uga farxiso, ma ahan inaad ka hadasho ama diiradda saarto dakhligiisa.

Runta waxay tahay markaad bilaawdo inaad qodqodo dhaqaalihiisa, fursadaha ayaa ah inuu ku nacayo .

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid