XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Sabab Oo Raggu U Furaan Haweenkooda (Lambarka Koowaad Waala Yaabeysaa)

Burburka guur ayaa loo qaadab karaa sidii adduunka oo dhammaanaya gaar ahaan marka gabadha ay si dhab ah u jecleyd ninka.

Run ahaantii waa dhaawac daran marka qofaad si dhab ah u jecleyd isla markaana aadan marnaba ka tagi lahayn uu go’aansado inuu xiriirka dhameeyo.

Rag badan daacad kama ahan sababta ay u burburinayaan xiriirka taasoo kayaabisa haweenka isla markaana keenta inay isweydiiyaan qaladka ay sameeyeen ee looga tagay ama lagu furay.

Maxay tahay sababta ay ragga u furan haweenka xittaa marka gabadha ay si dhab ah u jeceshahay? Waa kuwaan sababaha ay ragga u furan haweenka ee layaabka leh.

  1. Kuma uusan jecleyn:

Waxaa laga yaabaa inuu kugu dan gaarayay inta uu ka helayo haweeneyda uu sida dhabta ah u rabay.

Tani waa naxdin balse waa xaqiiq murugo leh. Ragga qaarkood ma rabaan inay doobab ahaadaan isla markaana ay sugaan haweeneyda ay sida dhabta ah u rabaan sidaa darteed waxay doorbidaan inay xiriir la yeeshaan haween kale iyagoo dhanka kalana sugaya gabadha ay jecelyihiin.

Marka ay helaan haweenka ay sida dhabta ah u rabaan ama jecelyihiin waa kuwo xiriirka u jara ama fura gabadha ay markaas sida kumeel gaarka ah u guursadeen.

  1. Waxaa isku dayday inaad bedesho

Ninka waxay u badantahay inuu burburiyo xiriirka marka haweeneyda ay isku daydo inay ka dhigto wax uusan ahayn.

Ninka waa mid isku bedeli kara haweeneyda darteed balse wuxuu u baahanyahay in isaga lee uu sameeyo taas isla markaana aanan lagu cadaadin isbedelka. Inaad adiga isku daydo inaad bedesho waxay keeneysa caro.

  1. Ixtiraam la’aan:

Sabab kale oo ragga ay uga tagaan haweenka ayaa ah inaysan haweeneyda ixtiraamin. Nin kasta wuxuu rabaa in la ixtiraamo xittaa waxyaabaha yar yar in lagu qiimeeyo.

Markaadan qiimeyn waxyaabaha uu kuu sameeyo, wuxuu raadsanaa qof kale oo xittaa ku xushmeyn doonta waxyaabaha yar yar.

  1. Qanacsanaan la’aanta sariirta

In ninka uusan ku qancin kulanka sariirta ayaa ku kalifi karta inuu haweeneyda furo. Qanacsanaan la’aanta sariirta ayaa waxaa keeni karta in labada lamaane midkood uu sameeyo diidmo joogta ah.

Haddii aanan heshiis lagu noqon sariirta waxaa imaanaya isku dhac ugu dambeyn sababaya in xiriirka la dhameeyo.

Diidmada joogtada ah ayaa ninka ku qasbi karta haweeney kale inuu raadsado isla markaana xiriirkaas uu dhameeyo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid