Haddii Ninkaaga Uu Sameeyo Sadexdaan Waxyaabood , Ha Iska Sii Deyn Gabaryahay

Haweeney kasta ayaa ku riyoota inay hesho nin wanaagsan. Haweenka qaarkood waxaa ku dhaca jahwareer kadib marka ay jeclaadaan rag xun.
Ninka kalgaceylka leh waa kan garta baahiyaha xaaskiisa. Taasna waxay timaadaa marka haweeneyda ay ninkeeda uga baahantahay dareen.
Ninka waxaa ku waajib ah inuu yaqaano waxa la sameeyo si uu dib ugu soo celiyo farxadda nolosha xaaskiisa.
Helitaanka nin sameeya sadexdaan waxyaabood waa duco.
- Nin Cuntada kuu kariya
Nin yaqaana sida cuntada loo kariyo waa mid lagu duceysto. Waa dareen wanaagsan inaad salka dhulka dhigato oo aad daawato lamaankaaga oo cunto kuu karinaya.
Sidoo kale waad kula biiri kartaa jikada maadaama ay taas keeneyso inaad caawiso isla markaana aad kawada hadashaan waxyaabo kala gedisan.
- Nin ku dejiya markaad u careysantahay
Muranada waa kuwo kubadan arrimaha jacaylka. Ninka ku jecel waa mid ku dejinaya waqti kasta oo aad u careysantahay. Waa inuu gartaa sida loo xakameeyo muranada xiriirka si uu uhubiyo inaadan labadiina kala fogaanina.
- Ninka garta markaadan diyaar u ahayn kulanka sariirta
Galmada waa mid hagaajin karta xiriirka ama burburin karta. Haweenka waxay rabaan rag fahma marka aysan diyaar u ahayn raaxada.
Ninka wanaagsan eek u jecel ma waalanayo marka uu galmo ama raaxo kaa waayo. Waxaa loo baahanyahay inuu fahmo in mar kasta aadan ku jireen xaalad ah rabitaan galmo ama raaxo.