Fanaaniinta Xasan Aadan Samatar, Cigaal iyo Cawaale oo Muqdisho yimid (Daawo Muuqaal)

Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ku dhowaad 30 sano ka hor ay ugu dambeysay.
Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, iyo sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale Aadan, ayaa ka mid ahaa waftiga madaxweynaha Jabuuti ee maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya.
Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan waa Fanaaniin Qaran oo ka mid ahaa Hoboladda Waaberi, waxay codkooda halaasiga ah magac iyo maamuus uga kasbadeen bulshadda Soomaaliyeed.
Markii la ogaaday in ay dalka yimaadeen waxaa Baraha Bulshadda qabsaday sawirkooda, iyadoo dadkuna ay aad usoo dhaweeyeen in fanaaniintu muqdisho ku soo laabtaan.
Sidoo kale fanaanka reer Jabuuti ee Cawaale aadan ayaa ka mid ah fananiinta maanta yimid Muqdisho.
https://www.facebook.com/SOMALICABLE/videos/643145526145493/