Haddii Xaaskaaga Ay Sameyso Waxyaabahan, Uga Mahadnaq

Haddii ay dhacdo inaad hesho haweeney noocaan ah, mar kasta qiimeey oo xushmeey sidaa darteed waxay dareemeydaa inaad ku dhiirigalineyso waxa ay sameyneyso.
Waxaa intaas sii dheer ula dhaqan si wanaagsan si aad iskaga ilaaliso inaad weyso ama ay kaa tagto.
Hadii haweeneydaada ay sameyso labadaan waxyaabood, mar kasta qiimeey, una mahadceli.
Gabadha warkaaga maqasho
Marka ay noqoto dhanka isdhageysiga labada lamaane, waa nasiib darro in haweenka badankood ay raggooda ka rabaan in iyaga kaliya warkooda ay maqlan iyadoo ay dheertahay in mararka qaar xittaa ragga ay heystaan dhibaatooyin.
Si, kastaba, ragga hela haween had iyo jeer amaradooda fulliya isla markaana warkooda maqla waa inay qiimeeyaan isla markaana uga mahadceliyaan
Gabadha wax walba kugu qaadata
Nolosha, ma jiro qof dhinac walba ka dhammeystiran, haddii ay noqon lahayd dhaqaalaha,dhaqanka iyo muuqaalka oo loola jeedo qofka sida uu u egyahay.
Sidaa darteed, haddii aad heysatid haweeney kugu qaadatay cilladahaaga, dabeecad xumadaada iyo dhaqaale la’aantaada waa inaad ilaalisaa oo aad u mahacelisaa.